marsanews.com
Murtidaa Maanta iyo loollanka siyaasadeed ee ololaha doorashada Somaliland
September 18, 2017 - Written by editor marsan

Hadh ma geynin aayadii ninkii hooyo gawracaye!”

Ninka hooyadii ka guuraa aayadii uma negaado!

Nin ku diley hadh kuuma jiido!

 

Hargaisa;(Marsanews) Qoraaga wayn ee caanka ah, Maxamed baashe xaaji xasan oo barkulanka bulshada ee Facebook Ku soo daabacay qormo uu ugu magacdaray Murtida Maanta iyo Loolanka Siyaasadeed Ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

Abiib-timocad iyo inta kula safatay ee difaacaysa aflagaaddadii afka ka weynayd ee ka hoosaysey “halka suunka laga xidho-dho”, ee uu kula kacay shacabka Gebiley, Tog-wajaale, Geed-ballaadh, Faraweyne, Allaybaday iyo Arabsiyo, waa mahadho ugub ku ah socotadeenna sooyaal.

Ninka sidaas iyo waxaas ku hadlay ee yidhi, “dadkii degmooyinkaas dammaashaadayey waxa ay ahaayeen oodhfano (furuuq) Hargeysa laga soo guray”, waxa hubanti ah oo taasi kuu sheegaysaa in aanu cid kale iyo meel kalena toonna wanaag iyo wax wacan ugu maqnayn. Wax se igaga sii yaab badan kuwii dhinacyo yuubnaa sacabbada u garaacayey!

Nuxurka murtidu waa ‘qofka cirdiga iyo sharafta hooyadii dhawri waayaa, aayaadii iyo cid kalena in uu teello u dhigto lagama yaabo’.

Waxa kale oo murtidu u digaysaa dadka oo dhan oo faraysaa in ereyada iyo hadallada sawliilka leh laga fogaado, gaar ahaan siyaasiinta codka ummadda ku loollamaysa.

Nin weyn oo hadal ka dhacayna waa geed qolofi ka dhacday.

Ereyguna inta uu afkaaga ku jiro ayuu ammaanadaa yahay, haddii se uu af soo dhaafo afaaf dhaaf.

“Bederna caasi baa loogu go’ay Ina Bidaarowe
Berrina ha la aaso’e nin ragga baqaskii waa ceeb”.

Intanna waxa aan u hibaynayaa intii igu qoonsatay odhaahdaydii ahayd “Muuse iyo Ismaaciil” la iima tartansiin karo.

#No_Beretan_Muuse_VS_Ismaaciil.

Qalinkii: Maxmed baashe xaaji xasan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews