Netanyahu Oo Ay Ka Fakatay Sir Ay Reer Galbeedka Iyo Yuhuudu Qarin Jireen
January 6, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Sirtii muddo badan caalamka laga qarinayey ee ahayd in Israel ay haysatio hub Nukliyeer ah, ayaa si lama filaan ah uga soo baxsatay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Netanyahu oo ka hadlayey Tel Aviv ayaa sheegay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, ka hor inta uuna isku nixin, isaga oo ceeb dareemayana si kale u dhigan sheekadaas.
Waxaa aad loo rumeysan yahay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, hase yeeshee marnaba ma aysan xaqiijin ama beenin, ayada oo sanado badan adeegsaneysay siyaasad ah inayna ka hadlin arrintaas.
Hase yeeshee, Netanyahu oo ka qeyb-galay kulankii golaha wasiirada ee toddobaadkan, ayaa kiyoo luuqadda Hebrew-ga ku Akhrinaya heshiis gaas oo dhex maray Israel iyo Qubrus, ayuu si lama filaan ah u kashifay sirtii Yahuudda iyo Reer Galbeedka ay muddo qarinayeen.
Muhiimadda mashruucan waa inaan Israel u rogeyno quwad Nukliyeer ayuu yiri Netanyahu, hase yeeshee intaa kadib ayuu deg deg isku qabtay isagoo u beddelay “Waxaan ka wadaa quwad tamar”.
Qirashada gefka ku dhacday ee Netanyahu ayaa durba qabsatay baraha bulshada, oo aad loogu hadal hayaa.
Haysashada Nukliyeerka ee Israel ayaa aad loo rumeysnaa sanado badan, hase yeeshee sababo la xiriira taageerada Mareykanka iyo cabsida reer Yurub, marna ma jirto cid ku dhiiratay inay dalbato baaritaan lagu sameeyo.