marsanews.com
Qaybta 1aad Ee Taxanaha’ Xirsi Oo Mudo Dheer Kadib Helay Halkii Uu Ka Gudbin Lahaa Falsafad Wakhti Badan Uu u Meel La’aa
November 29, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Sida aynu hordhicii qormadeenan ku soo sheegnay waxa aynu maraynay xirsi oo 2008-dii xabsiga loo taxaabay kadib markii uu ku kacay falal abniga wax yeelaya islamarkaana wasiirkii arimaha gudaha ee xukumadii riyaale Md, Cabdilaahi Ciro uu sheegay in lagu qabtay fal-danbiyeed isagoo intaa ku daray inuu ka tirsan yahay kooxaha xagjirka ah.

Bilawgii xukuumadii madaxwayne silanyo 2010-kii wakhtigii uu silanyo dhisay xukuumadiisa waxa markale muraayada ka soo dhex muuqday oo silanyo xil u magacaabay xirsi oo uu ka dhigay (Cheif of Cabinate) islamarkiibana noqday nin yar oo firfircoon oo noqday shaqsiga ay isugu dhaw yihiin madaxwayne silanyo oo hogaaminta talada dalka markaa uu ku guulaystay.

Xirsi waxa uu markiiba madaxtooyada ka dareeriyay shaqaale badan oo ka hawlgali jiray aqalka madaxtooyada xukuumadihii ka horeeyay ta silanyo, waxa xusid mudan dhacdo xiligaa qariib umada ku noqotay, taasi oo ahayd in mid ka mida shaqaalihii madaxtooyada ka shaqaynayay oo waliba ay hayb dhaw ahaayeen wasiir cabdilaahi ciro oo xirsi ku sheegay xagjir in uu shaqsigaa shaqaalaha ahaa aargoosi awgeed damcay inuu xafiiska ka saaro, kadibna wiilkaa shaqaalaha ahi uu u sheegay inuu shaqaale yahay sharci uu ku eryaana aanay jirin balse xirsi xiligaa Mindi ula soo baxay wiilkii dhalinyara ahaa ee shaqaalaha ka ahaa madaxtooyaduna lafahiisa uga cararay.

Mudo kadib waxa madaxwayne silanyo uu ka dhigay xirsi wasiirka wasaarada madaxtooyada, xiligaas oo badiba awoodii talada dalku ay xirsi u gacan gashay oo sida aynu la wada socono uu noqday baarqabka isagu ka arimiya aqalka dalka looga taliyo, islamarkaana awoodihii dawliga ahaa ugu tagrifalayay sida caqligiisa yar ee gaabani uu siiyo.

Xiligii doorashadii golayaasha deegaanka ee tartankii ururada siyaasada 2012-kii waxa xusid mudan amaradii iyo dhagarihii ama dhiigii ubadkii yaryaraa ee taageerayaasha u ahaa ururkii xaqsoor, oo mudahraad ay sameeyeen dhiigoodii dhulka qulqulay, kadib markii xirsi uu amar ku bixiyay in rasaas nool lala dhaco halkaana ay khasaare nafeed iyo ku maaliyadeed ba ka dhaceen oo isaga ay dumadiisa ahayd maadaamo uu ahaa shaqsiga xiligaa amarka siiyay Duur oo ahaa wasiirka daakhiliga.

Waxa aynu hadba dhacdooyinkaa is barkan u soo qaadanaynaa waa si aynu gogol xaadh ugu dhigno qormadeenan aynu diirada ku saarayno yoolka iyo hiigsiga himilooyinka gaarka ah ee xirsi oo ah kuwo ka turjumaya gudbinta falsafada uu ku raran yahay inta badana baadigoobka uu ugu jiray inuu mar uun gaadho hirgalinteeda, taasi oo haatan muuqata inuu isbidayo in uu joogo xiligeedii maadaamo uu helay halkii uu ka gudbin lahaa kana suurta galin lahaa.

Waxa laga yaaba inaad akhriste is tidhaa waa maxay falsafadan uu xirsi inta badan u raadinayay fulinteeda ee qormadani ka hadlaysaa, waxaan idin leeyahay ha raagsanina waa mid iyadoo sida cadceeda ah idin hor iman doonta, waana mid ay ku hadoodilan yihiin klhataro badan iyo dabino loo maleegayo dadka iyo dalka somaliland oo la rabo in mar uun la gaadhsiiyo halka ay ku sugan tahay waxii la odhan jiray somaliya oo aydun la wada socotaan kooxaha xagjirka iyo argagixisadaba leh ee holaca naareedka ka dhex wada koonfurta somaliya iyo meelo kale oo badan oo dunida kaleba ah.

wali waxa aynu ku guda jirnaa xusida dhacdooyinkii badiba marag iyo markhaatigaba u ahaa halka uu ku socdo xirsi iyo ujeedooyinkiisa qarsoon isaga iyo kuwo kale oo la hal-maala aragti-ahaana ay wax wada aaminsan yihiin horena xiliyada qaar calaamad suaal? u saarnayd oo indhaha lagu wada hayay, inkastoo haatan ba dhaqdhaqaaqyo badan oo arimahaasi la xidhiidha aad loola socdo, balse qormadeenan ay tahay mid iyadu si gaara u soo daraasaysay arimo badan oo iftiimin doona doonista hawlaha iyo dabinada bulshada lala maagan yahay.

Qaybaheena danbe ee qormadeenan waxa aanu idinkula wadaagi doona habsami u socodkii geediga hawlaha uu ku soo guda jiray xirsi iyo halka rasmiga ah ee uu u socdo.

La Soco Qaybta 2aad ee taxanaha Qormadan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews