marsanews.com
Qaybtii 2aad Iyo Qormada Jilaagii Mukhalaska Wayn Ka Ahaa Madaxtooyada Xukuumadihi Hore Iyo Haatan Hawlaha Uu Ku Guda Jiro
January 10, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Waxa aynu qormadeenii 1aad kaga waranay guud ahaan habdhaqankii  mukhalasiinta sahli jiray musuqmaasuqa iyo boobka hantida umadan masaakiinta ah, waxse aynu qormadeenan 2aad ku eegi doona.

Waa kuma Cali gobanimo? goorma ayuu se saaxad siyaasada lagu dhex arkay iyo waliba halka uu ka soo koray salaanka?

Ugu horayn wakhtigan xaadirka ah cali gobanimo waa ninka fooqa dheer ee hindiya line ka laga binaynayo ku qoran ama mulkigiisa leh islamarkaana fooqaasi oo cabirkiisu dhan yahay Kontan iyo Shan iyo sodon ahna mid ka ugu wayn bad ahaan fooqyada dalka ka dhisan, taas oo iswaydiin ama suaali dul taalo marka aad eegto cali gobanimo oo ah shaqsi aan wali dalka wax xil ama shaqo ah ka qaban islamarkaana aan ahayn ganacsade ka shaqaysta mihnada ganacsiga sidoo kalena aan ahayn shaqsi hanti ma guurto ah dalka ku lahaan jiray balse kaliya indhaha bulshadu ay qabteen uun dhismayaasha uu binaynayo ayaa mudan in lagu yara hakado halka ay ka soo gashay dhaqaalaha uu binooyinkan ku dhisayo waa suaal mudan jawaabteeda.

Hadaba aan idiin yara iftiimiye horaantii 1996kii ilaa 97kii waxa uu cali ahaa shaqsi waardiye ka ahaa MCH kii ku yaalay hotel maaweel dabadiisa mudo kadib waxa uu noqday askari ka mida ilaalada wasiirkii daakhgiliga ee xiligaa oo ahaa axmed jaambiir suldaan, mudo kadib markii uu xaqu ku yimid madaxwaynihii dalka ee xiligaa ilaahay hawnaxariistee maxamed xaaji ibraahin cigaal islamarkaana xilka madaxwaynenimo loo dhaariyay Md, daahir riyaale ayaa mar qudha Cali gobanimo si kadisa loogu arkay fagaarayaasha siyaasada isagoo aan aqoon iyo khibrad siyaasadeed iyo mid garasho toona lahayn balse marqudha ka soo dhex mudhay nidaamkaa xukuumada daahir riyaale caana ku noqday inuu macaamil dhaw la yeesho rugta halbawlaha dalka looga arimiyo oo ah madaxtooyada kadib markuu xidhiidh dhaw oo wada-shaqayneed la yeeshay marwadii qaranka islamarkaana ay noqotay markii u horaysay ee marwo madaxwayne saamayn ku yeelato hogaaminta talada dalka taasina ay tahay mid sumadeeda uu leeyahay cali gobanimo oo xiligaa caan ka dhex noqday bulshada aadna loogu hadal hayn badnaa maadaamo uu yeeshay saamayn laxaadle oo uu ku keeni jiray masuulyiin xilal loo dhiibay qaar kalena uu kaba caydhin jiray xilalkooda.

Waxa dhacay isbadal oo waxa meesha ka baxday xukuumadii madaxwayne riyaale, waxa hogaaminta talada dalka qabsaday 2010kii xukuumadii xusbiga kulmiye sidii caadada ahayd ayuu hadana markale cali gobanimo ka soo dhex mudhay halkiisii iyo goobtiisi oo iyadu waliba ka sii sal balaadhan oo waxa uu xidhiidho adag la samaystay xukuumadii madaxwayne silanyo isagoo soo maray dariiqii hore ee ahaa inuu dhanka marwada ka dhisnaado islamarkaana yeesho saamayn miisaan culus leh isagoo aan marnaba la garan karin waxa uu nidaamyadaa u qabanayo balse ay xaqiiqadu tahay inuu khalasayo oo sahlayo loona haysto laguna door bidayo lunsiga iyo boobka hantida umada taasina ay tahay mida dhaxalsiisay inuu hargaysa oo ah caasimadii dalka inuu ka dhex bineeyo hanti laxaadle.

Haatan oo mar labaad talada dalka xukuumadii kulmiye markale qabsatay balse madaxwayne biixi oo isaga lagu yaqaano go’aan iyo hal-adayg labadaba ayaa hadana aad arkaysaa cali gobanimo oo gaaf-wareegaya madaxtooyada isagoo quud-daraynaya inuu sidii caadada u ahayd mar sadexaad uu halkiisii ka fad-kudiyo wallow aanay wali u suurta galin balse waxaad subax kasta ku arkaysaa isagoo odayaal iyo dadkale ba wada inuu inta badan dhex joogo wasaarada daakhiliga oo aad moodo inuu yahay mid ka mida shaqaalaha ka hawlgala, waxaadse dareemaysaa inuu durtaba dalooshaday wasaarada oo uu saamaynteedii yeeshay halka aanay iyada wali waxba uga suurta galin hanashadii uu ku kasban lahaa ama ku heli lahaa xidhiidh togan oo uu la yeesho madaxtooyada uu madaxwayne biixi ka taliyo balse taa badalkeedii uu noqday inuu hantiyo quluubta hogaanshaha wasaarada daakhiliga.

Cali gobanimo oo xidhiidho kale duwan la leh ganacsato dhawra oo badiba aaminsan inuu yahay siyaasi ama shaqsi saamayn ku yeesha xukuumadaha ayaa haatan aad mooda in ay soo fahmayaan oo xaajadiisi faashil ku dhaw dahay.

LA SOCO QAYBTA 3AAD EE QORMADAN OO XOGO  XASAASI AH AAN IDIIN KU SOO GUDBIN DOONO

Wretting by cheif editor

C/risaaq maxamed axmed

Email: Abdirizake74@gmail.com ama tell: 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews