marsanews.com
Qaybtii 7aad Iyo Qormadii Jilayaasha Musuqa Iyo Boobka Hantida Umada Raasamalsaday
January 14, 2018 - Written by editor marsan

 

Hargaisa:(Marsanews) Qaybihii hore ee taxanaha qormadan waxa aynu mid kasta ku eegi jirnay ama tooshka ku qaban jirnay waa mukhalasiintii iyo waliba masuuliyiintii xilalka hayay ee siyaabaha kala duwan hantida qaranka u isticmaalayay islamarkaana meheradaha iyo ganacsiga ka samaystay.

Qaybta 7aad iyo caawa waa mid lafteedu diirada saaraysa mashruucii biyo balaadhanta dalka oo aynu qaybtii 6aad waxooga kaga xusnay balse haatan aynu dul istaagi doono, iftiimina doono dhacdooyin xiiso badan oo ku saabsan arimahaasi.

2011ki ayaay EU du sheegtay in biyo balaadhinta dalka ay ku samaynayso maalgalin iyadoo ku bixinaysa lacag cadadkeedu dhanyay 27milyan oo doolarka maraykan ka ah islamarkaana ay ugu talagaleen inay wasaarada shaqadan lihi u maamushu si xilkasnimo iyo masuuliyadi ku dheehan tahay oo ah sida saxda ah. balse arintaasi may suurta galin manay dhicin sidii la rabay, waxaana iswaydiin mudan maxaa dhacay? suaasha jawaabteedu waa wax yaalaha in bulshadu ogaal u yeelato u baahan islamarkaana nuxurka qormadeena caawa ah oo aanu halkan jawaabteeda idanku hayno.

Xiligaa aynu kor ku soo xusnay ee horumarinta biyaha EU du ku bixinaysay lacagta 27ka milyan ah waxa dhacday in masuuliyiintii hawshaasi ay khusaysay ay samaysteen company gaara oo ay rabeen inay lacagtaas ku qaataan islamarkaana ay dalbadeen in magaca company gaa lacagta lagu soo shubo balse qoladii deeqdaa bixinaysay ayaa iyaga ay u cuntami wayday oo fahmay inay tahay arintaasi nidaam baalmarsan habkii ay ugu talagaleen mashrrcaasi inuu ku fulo oo waxay ka dhex arkeen madmadaw iyo musuq lalamaagan yahay kadibna waxa ay ku dhawaaqeen in mashruuca tartan loo galayo ka qabsoomi doona imaaradka halkaas oo uu markaa arintaa baashe cawil ka soo raacay qaybna ka noqday islamarkaana uu si toosa uga dhex muuqday mashruucaa aan tisqaadin ee dhicisoobay.

Intaa kadib waxa xusid mudan oo aan qalinku seegayn agaasimaha guud ee ilaa haatan isagu wasaarada biyaha jooga inuu xiliyo danbe oo badan noqday shaqsiga mashaariic horumarineed oo biyo balaadhinta dalka ah caqabad ku noqday walibana awoodihii uu ka haystay aqalka dalka looga arimiyo kaga takhalusay wasiiro dhawra oo iyagu mashaariic biyaha ah soo diyaariyay isagoo ujeedadiisu ahayd in mashaariicdaa uu maamulo kadibna musuq iyo lunsi wasaaradaa caado u ahaa kula kaco kadib markay wasiiradii shaqada wasaarada loo igmaday diyaarinta iyo curunta hawlaheeda ay isaga hor yimaadeen inanka agaasimaha ahna mid kastaba halkii uu libinta ka haystay lagaga soo duulay oo xilalkii ay hayeen ba ku waayeen isla mashaariicahaasina gacanta agaasimaha galeen isna uu ku tagrifalay lana wadaageen meelihii uu ahoodaha ka haystay.

Si kastaba ha ahaatee waxa iswaydiintu tahay haatan oo lagu gudo jiro isbadalkii agaasimayaasha xukuumada cusub ee madaxwayne biixi ma noqon doona agaasimahaa awoodaha sare lahaa ee ilaa haatan hagardaamada horumarinta biyaha ku haya dalka iyo dadkaba miyuu ku nagaan doona xilkaa dibin daabyada ku ah qaranka mise seefta madaxwayne biixi ayaa la tagi doonta waa suaal jawaabteeda aynu ka heli doono maalmaha soo socda madaxwayne biixi talaabada uu ka qaato.

Maalmo ka hor ayay ahayd wakhtigii ay wafti carab ah oo ka socda dalka imaaradka carabtu ay u yimaadeen dalka sidii ay wax uga qaban lahaayeen hirgalinta mashruucii biyaha xunba wayne ee magaalada hargaysa balse aanay wax na tiijo ahi ka soo bixin kadib hagar daamooyin lala beegsaday suurtagalnimada hawshaa oo si taban loo carqaladeeyay wallow aanay wax xog ah laga hayn balse kaliya lala wada socday in kacdoono aan laxaad badan lahayn lagag hortagay iyadoo shaqsiyaadka hawlahaa ku lugta lahaa wararku sheegayaan inuu qayb ka yahay agaasimaha iyo waliba baashe oo isna dhinaciisa ka watay qolooyin kale oo uu mashruuca ka soo diyaarsaday oo isla imaaradka carabta uun iyaguna ah.

LA SOCO QAYBTA 8AAD EE QORMADAN OO XOGO  XASAASI AH AAN IDIIN KU SOO GUDBIN DOONO

Wretting by cheif editor

C/risaaq maxamed axmed

Email: Abdirizake74@gmail.com ama tell: 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews