marsanews.com
Qormo Taxane Ah Oo Aanu Diirada Ku Saari-doono Shanta Masuul Ee W/arimaha Gudaha So Qabtay Haatana Umada Ku Leh Isbadal-doon Baanu Nahay
September 11, 2017 - Written by editor marsan

Qaybta koobaad ee qormada, Waxaan Shalayto Yeelaan Maantana La Yaaba, Oo aanu ku eegi doono shantan siyaasi ee xilka W/arimaha gudaha so qabtay ee sheeganaya isbadal-doonka, wax qabadkoodi Mid Togan iyo Mid Taban ba. oo aanu ku bilaabi doono Ismaaciil yare.

Hargaisa:(Marsanews) Waxa xusid Mudan in baadi-soocda taariikhdu aanay hilmaami karin qofkasta oo umadan xil u soo qabtay oo leh tariikh togan iyo mid taban labadaba isla markaana ay shacbigu dhaayaha ku hayaan waxii uu mudnaa ee uu dalka iyo dadka ba sii gashaday taasi oo noqonaysa mida laga eegayo diwaanka dhaxalka uu umada kaga tagay wakhtiyada uu masuuliyada qaran dalka ka hayo.

Hadaba wax ina horyaala oo aan diwaanka u baadhaynaa isla markaana aynaan indhaha ka daboolan karin masuulyiintan xilka wasaarada arimaha gudaha soo qabtay ee uu kaw ka yahay Ismaacil yare oo isaga aynu caawa ku soo qaadan doono doorkiisi maamul iyo awoodihii wasaarada sidii uu ugu shaqeeyay, inagoo ka eegayna dhan kasta oo mudan in laga faaloodo.

Ismaaciil aadan cismaan waxa uu ahaa wasiirkii wasaarada arimaha gudaha xiligii xukuumadii madaxwayne riyaale isagoo in badan lagu xusuusto ama sooyaalka taariikheed uu qorayo inuu ahaa shaqsi inta ugu badan danta qaranka ka horaysiin jiray tiisa gaarka ah. haday tahay mid musuq ama mid ku tagrifal awood dawliya ah ba, waxa waliba intaa u sii dheerayd fudayd hubsiimo la’aani u ehel tahay oo waxaan tusaale u soo qaadan karnaa laba dhacdo oo labaduba ahaa kuwo fadeexad masuuliyad daro ay dul-hoganaysay.

1. Dhacdadii shuftadii argagixisadii wadada berbera iyo hargaysa dhexdooda ku dilay gabadhii ajaanabka ahayd ee haayada GTZ Ee Jaamac kuutiye hogaaminayay isla markaana lagu qabqabtay ragaasi deegaanka dhoqoshay, waxii uu xiligaa ka yidhi ismaacil yare isagoo wasiiru daakhiligii wakhtigaa ahaa.

Ismaaciil yare waxa uu warbaahinta markiiba la soo fadhiistay waxa dilkaa sameeyay rag ka mida beesha bariga burco isagoo waliba isku duubay oo xabsiga geeyay sheegayna gaadhigay wateen ragaasi inuu ahaa mid ka mida ganacsatada dalka ka caanka ah, warbixintaa oo uu ismaaciil yare sheegay isla markii uu falkaasi dhacay, oo umada anfariir galisay ayaa Alle waxuu ku kashifay isla beeshii uu ku suntayay oo ku soo qabqabtay ragii falkaas gaystay deegaanka dhoqoshay kadib markay jid-gooyo u galeen cabaarna dagaal ku dhex maray ayaa aakhirkii rabi ku guuleeyay inay gabi ahaan ba qabqabtaan ragaa argagisida ahaa isla markaana saacado kadib waxii uu been Sheegay Ismaacil yare ay kashifantay umadiina dhagaha faraha galisay iyadoo qofkastaaba yaab iyo ama kaag ku noqotay masuulka dhan ee abniga dalka u qaabilsan ee aan garanayn wax aanad hubin haku hadlin oo waliba warbaahin haka sheegin tiyoo aad ku gafayso xaq iyo xuquuq muwadiniin aad masuul u tahay walibana danbi dhagara dusha ka saarayso, taasi waa mid ka mida heerka masuuliyadeed iyo garaad darada uu ku sifoobayo.

2. Dhacdada labaad ayaa ahayd wakhti saacadu ay ahayd ilaa shantii galabnimo kadib markii xarunta xisbiga kulmiye ay ciidamo gaashamani soo galeen iyagoo leh waxaanu doonaynaa idaacadii Radio Horyaal isla markaana ay xafiiska ugu yimaadeen xoghayihii xisbiga ee xiligaa Daauud maxamed geele, oo aan haatan noolayn ilaahay naxariistii jano haka waraabshe, kadibna ay labtop uu wax ku qoranayay xoghayuhu isku qaadeen damceena inay ka qaadan isna dacalkaa qabsaday isagoo ka yaaban duulankaa balse markiiba ay soo gaadheen goobta saraakiishii xusbiga oo uu hor kacay madaxwaynaha imika dalka maamuula madaxwayne silanyo oo xiligaa ahaa gudoomiyaha kulmiye oo macaarida, waxa xusid mudan in markiiba dhacdadaasi uuIsmaaciil yare ka hadlay sheegtayna inuu isagu xafiiska xusbiga u soo diray ciidamada iyagoo aan wax ogolaansho maxkamadeed aan haysan halka ay soo weerareen ee uu leeyahay anigaa u soo dirayna ay ahayd xafiis xusbi qaran uu leeyahay isla markaana uu ismaaciil yare sheegay inay taal idaacada Radio Horyaal, kadibna hungo iyo fadeexad ay ka qaadeen ileen idaacad xafiid xusbi taal ma jirtee.

Labadaas dhacdo hadii aan ku dhaafno fudaydka masuuliyad daradu ku keento masuulka xilka umada u haya iyo inta ay leegtahay qadarka nidaam maamul oo togani wax ugu diran karo qofka noocaas ahi waa mid natiijadeedu noqonayso Eber.

Hadaan iyana yara jaleeclo ismaaciil yare iyo dhanka musuqa waxa aaynaan meel fogba ka doonayn oo tusaale inoogu filan sababtii isaga iyo janankii bilayska ee wakhtigaa uu xilka hayay lagaga wada qaaday xilkii ay hayeen kadib muran labadooda soo dhex galay oo ahaa markii ismaacil yare lunsaday mushaharkii ciidamadii SPU da oo haayada UNDP ay bixin jirtay isla markaana isagoo wasiirka daakhiliga ah hoos iman jiray oo xitaa ilaa askarta waardiyaha u ah ay ahayd mushaharadoodii, taasina ay ahayd sababtii xiligaa madaxwayne daahir riyaale uu xilka kaga qaaday oo ahayd mid umadu si wacan ula wada socotay warbaahinta maxaliga ahina aad wax uga qortay.

LA SOCO QAYBTA DANBE EE QORMADAN IYO AXMED JAAMBIIR

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews