marsanews.com
Qorshe Uu Maayarka Berberi Ku Inqilaabay Xoghayihii Fulinta Ee Dawladda Hoose & Mas’uul Dhego-nugul Oo Saxeexii Lagu Wareejiyey
July 26, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Tan iyo markii uu xilka la wareegay xoghyaha Dawlada Hoose ee berbera Cabdikariim Aadan Cadde waxa Jahawareer ku dhacay hanaankii shaqada ee waaxyaha kala duwan ee Dawalada hoose ee Berbera taasi oo ah masuuliyada xoghayaha, hasa yeeshee taasi bedelkeeda waxa shaqadaasi caadiyan u wada Agaasimaha waaxda  Maamulka  iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi Saxeexa Warqadaha dhulka iyo Foojarada Lacagaha lagu Qaato.

In ka badan 100 Fayl ayuu saxeexay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada oo aan awood sharci u lahayn inuu saxeexo go’aano dhul bixin iyo jeegag lacageed. Kuwaasi oo aanu awood sharci u lahayn hasa yeeshe fursada dayaca iyo aqoon la`aanta haysata xoghayaha Dawlada hoose ayaa keentay in sidaasi la yeelo

Maadama oo Cabdikariim Aadan Cadde ahaa nin aan aqoon badan u lahayn maamulka dawladaha hoose ama nidaamka dawladnimo waxa uu dhakafaar iyo madax xanuun badan ka qaaday shaqada caadiga ah ee maalinlaha ah taasi oo ahayd tii loo igmaday hasa yeeshee si uu uga dhuunto hawshaasi baaxada leh waxa qalinkiisa iyo saxeexiisa ku shaqaysta Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi oo ah nin ay aad isugu dhow yihiin Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin.

Dawlada Hoose ee Berbera oo noqotay xarunta Musuq maasuqa waxa nidaam ahaan ay u samaysnayd in ay is dheeli tiraan dawlada Hoose iyo Dawlada Dhexe oo warqad kasta ay wada saxeexaan Maayarka iyo wakiilka dawlada Dhexe oo ah Xoghayaha Fulinta, hasa yeeshee taasi meesha way ka baxday tan iyo intii uu xafiiska Joogay Cabdikariim Aadan Cadde, waxana fududaatay  in si dhib yar warqadaha dawlada hoose  maayarku ku filnaado isaga oo qaybtii Dawladii dhexena (Xoghayaha Fulinta) ka saxeexa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi

Sida ku cad xeerka ismaamulka degmooyinka iyo Gobolada Xeer NO.23 ma jirto in qof aan ahayn wakiilka dawlada dhexe u jooga Magaalooyinku saxeexo Bixinta Dhulka hasa yeeshee  sida ku cad qoraalo ay saxaafadu heshay dhul badan  oo uu shirkado gaar ah u samaystay Maayarka Berbera waxa halkii xoghayaha saxeexay Agaasimaha Maamulka  iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi oo iska dhigaaya in uu yahay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose,

images-1Cabdikariim Aadan Cadde shirkadaha uu gaarka u leeyahay Maayarka Berbera waxba kama oga, mararka qaarkoodna waxa loo soo tuuraa xoogaa shaaha oo lagu yidhaa Ganacsade Hebel ayaanu ka iibinay dhul ee intaas qaado.

Mararka qaarkood waxa dhacda in Telefoon looga sheego warqad ayaanu saxeexnaye la soco,  taasi oo nusqaan ku ah milgaha dawladnimo ee Somaliland in wakiilka dawlada dhexe u jooga Berbera sidaasi sameeyo.

Sida ku cad warqadan shirkada Madar Multi service waxa iska leh Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin waxana lagu dhacay Dhul  cabirkiisu yahay 300X300M kuna yaala Zone BBA.

Warqada lagu bixiyay dhulkaasi waxa saxeexay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamed Cali Caabi mana jirto sharci u fasaxaaya in uu Agaasime waaxeed saxeexi karo bixin dhul, hasa yeeshe waxa uu fursada ka helay aqoon darada haysata Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera, waxanu fudaydiyaa hawl kasta oo uu u baahdo Maayarka Berbera Cabdishakur Cidin

HOOS KA DAAWO SAWIRADA WARQADAHA AANU SAXEEXIN XOGHAYAHA DAWLADA HOOSE BERBERA EE ISAGOO XAFIISKA KU SUGAN LAGU DUL SAXEEXAY

Maayarka Magaalada Berbera oo saxeexii awoodii xoghayaha Dawlada Hoose u adeegsanaya Agaasimaha Maamulka

Maayarka Magaalada Berbera oo saxeexii awoodii xoghayaha Dawlada Hoose u adeegsanaya Agaasimaha Maamulka 2

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews