marsanews.com
S/land Dal Iyo Dad Aan Cadawgooda Koowaad Fahan Badan ka Haysan
January 1, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Sida aydun la wada socotaan somaliland waxa ay muxubo dhalanteed ku salaysan ugu hilawday wax la odhan jiray midnimada somaliyeed oo ay ku lumisay madax-banaanidii iyo xoriyadii ay gumaystihii ingiriiska ka qaadatay 26/juun 1960-kii.

Waxa aan muran ku jirin in somaliland aanay mahadinin midnimadaasi, oo ay ka dhaxashay, dhib, rafaad, dil, dhac, gumaad, iyo xasuuq aan loo kala aabo yeelin.

Kadib halgan dheer oo qadhaadh somaliland waxay madax-banaanideedii dib ula soo noqotay 18/may 1991-kii, taasi oo ka dhalatay doonista iyo rabitaanka shacbiga reer somaliland.

Haatan oo somaliland ay jirtay mudo 29sano ah, waxa iswaydiin mudan waa maxay waxa somaliland kaga maqan somaliya? waa suaal fudud oo jawaabteedu tahay, xaqa iyo xuquuqda qirista jiritaanka somaliland ayaa kaga maqan. waxa aan iyana la masuugi karin suaasha odhanaysa waa maxay sababta ay somaliya u diidantahay qirista madax banaanida somaliland? dabcan waa nac iyo xumaan la hal-maasha gumaadkii hore ee ay somaliya baday somaliland oo wali somaliya dhankeeda ka jira.

Hadaba aan iswaydiino sababta shacbiga reer somaliland ay u fahmi la’yihiin naca xeesha dheer iyo cadaawada somaliya ay u hayso bulshada reer somaliland, balse ay moogan yihiin dadka somaliland, oo iyagu aad arkayso inay xiliyada qaar uba qiiroodaan markay arkaan in dhibaato iyo dagaalo ragaadiyeen somaliya oo bulshada reer somaliland ay ku tawaawacaan walaalaheena somaliyeed, hada garo oo waxa walalo somaliyeed la yidhaahda ma jiraan oo dhankaa koonfur iyagu inay leeyihiin somaliland oo ay maxmiyad u tahay bay u yaqaanan ba.

Somaliland iyo bulshadeedu waxa mudan inay fahmaan cadawga koowaad ee ay leeyihiin inuu yahay kaa somalinimada sheeganaya ee horana u gumaaday haatana wali dirirta kula jira.

Aqoonsiga ay bulshada qaarkood sheegan inuu somaliya kaga xidhan yahay somaliland waxa weeyi khayaali iyo dhalanteed, oo somaliland waxay ahayd dal xornimada ka horqaatay somaliya, islamarkaana ma jirto wax kaga xidhan somaliya ee somaliland ayaa looga baahan inay fahanto in wax kastaaba ay ku jiraan isku duubnida iyo inay meel uga soo wada jeedaan qaranimadooda oo ay masayrkooda noqdaan kuwo aan cidna u daba fadhiisan haday tahay beesha caalamka iyo haday tahay cidkale toona, balse ay iyagu noqdaan dad sidaa ay isugu filaadeen ee u samaysteen nidaamka iyo kala danbaynta ay halkaa ka sii wadaan oo horumarkooda iyo aayahooda ka tashadaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews