marsanews.com
S/land’ Dal Iyo Dad Jilayaashooda Siyaasadu Aanay Tudhaale u Lahayn Xili Cadawgeeda Dibaduna Uu Xoogaysanayo
November 24, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Dhawaaqyada dhagaha shacbiga reer somaliland ku soo dhacaya ee muuqaalada dayrada ah wataa waa kuwo bulshada ku beeray warwar iyo walaac ay ka qabaan aayahooda nololeed, iyo mustaqbalka ubadkooda, kadib marka ay dharaar iyo habeen ba muuq baahiyayaasha ka dheehanayaan weedhaha xanafta iyo xumaanta leh ee ay isu marinayaan jilayaasha siyaasada ee haatan ku sugan saaxada kuwaas oo aan dadka iyo dalka toona lexejeclo ka qabin waa mucaarid iyo muxaafid bee.

Somaliland waxa ay madaxbanaanideeda la soo noqotay 1991-kii kadib halgan dheer oo qadhaadh oo loo huray naf iyo maalba, si heeryadii cadawga layskaga dulqaado, rabina waa ku guuleeyay oo halgankii shacbigu waxuu noqday mid guulaysta, islamarkaana dib u soo celiyay xoriyadii iyo madax-banaanidii 1960k-kii foof-daran habawgu ku dhacay.

Marxalado kala duwan iyo waa’yo adag oo midkastaaba duruuftiisa leeyahay ayay somaliland soo martay, waxa hogaaminta talada dalka isaga danbeeyay oo mayalka u soo qabtay shan madaxwayne oo ka haatan jooga ka mid yahay, midkastaana meel ayuu soo gaadhsiiyay.

Somaliland waxay ka soo dabaalatay oo ka oo gudubtay duruufo adag oo kuwa maanta jira ka qalafsan, sidee se uga soo samato-baxday?

Dabcan xaalakasta oo adkayd ba waxay somaliland kaga soo gudubtay isku duubni iyo midnimo shacbiga dhexdiisa ahayd, iyo waliba siyaasyiiin ay ka dhab ahayd lexejeclada qarankan, oo iyaguna ku hagayay bulshadooda hadba sida rabitaankoodu yahay ee masaalixa bulshada iyo danta qaranku ku jirto, manay ahayn hogaamiyayaashii iyo siyaasiyiintii xiliyadaa hore jaangaynta siyaasada dalka giraangirinayay kuwo ku jiqsii iyo tanaasul la’aan ku shaqayn jiray ama xiqdi iyo xumaan umada dhex dhigi jiray balse waxay ahaayeen kuwo raaligalinta iyo nasteexada umadooda ku hawlanaa

Haatan se jilayaasha saaxada siyaasada jooga waa kuwo aad is odhanaysid waxa u muuqda oo kaliya waa danahooda gaarka ah, waa kuwo aan tudhaale lahayn, waa kuwo aan bisaylkii siyaasada meelna u soo marin waa siyaasi aakhir sabaan, oo waxa qudha ee ay khabiir ku yihiin, isla ficiltanka iyo yooyootanka iyo waliba, isku xumaynta, arimahaas oo dhamina waa kuwo, bulshada kala faquuq iyo nac ba ku beeraya, waana sababta sii quwaysay qabyaalada waayo? umad waxa haga oo hor-kaca waa siyaasiga kaas oo bulshadu in ba dhinac taageerto.

kala qaybsanaanta bulshaduna waxa ay sahashay in cadawga somaliland ee dibadu uu ku soo dhiirado oo somaliland dhexdeeda ku yeesho cido gaara oo uga hawlgasha balse xiliyadii hore muu tahli karayn manuu soo hawaysanayn balse haatan waxa uu ku dhiiraday cadawgaasi in uu qayb ka noqdo kala qaybinta bulshada isaga oo ay arimahaasi u sahlayaan siyaasiyiinta aragtiyaha taban ku baadi doonaya doonista hirgalinta damacooda oo labada dhinacba ka jira haday muxaafid tahay iyo haday mucaarid tahay ba.

Somaliland waxa ay u baahan tahay midnimo iyo is aamin bulshada iyo siyaasyiinta labadaba, waana midka kaliya ee lagaga adkaan karo cadawga haatan soo xoogaysanaya ee maamulka somaliya oo isagu si aanu hore ugu soo dhiiran jirin haatan ugu soo maqan somaliland.

Waxa aan la hilmaami karin dhaqdhaqaaqyada ka socda qaar ka mida gobolada bariga oo sida la soo warinayo haatan ay ka jiraan qorshayaal lagu yagleelayo maamul goboleed khaatum state la yidhaa, sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan in horjoogihii khaatumo cali khaliif iyo farmaajo ay qorsheeyeen sidii loogaga dhawaaqi lahaa halkaasi maamul goboleed oo maamulka farmaajo aqoonsan yahay, waxaana keentay arintaasi waa kala qaybsanaanta siyaasiyiinta somaliland ee iyagu isu muuqda ee aan ka fikirayn una fiirsanayn ogaalna u lahayn guud ahaan ba hawlaha socda ee dalka gudihiisa laga wado kagana imanaya dibada.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews