S/land oo Soo Dhaweysay Tallaabada Maraykanku Ciidamadiisa Kagala Baxayo Soomaaliya
December 5, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(marsanews) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweysay tallaabada Dawladda Maraykanku ay Ciidamadeeda kagala baxayso Soomaaliya.
Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuryadda Somaliland.
Waxa kale oo Warmurtiyeedkaas lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku naaloonaysay Madax-bannaani Soddonkii Sannadood ee u dambeeyey oo ay samaysatay Dawladnimo dimuqraadi ah oo buuxisay Shuruudihii dawladnimo looga baahnaa isla markaana ay leedahay Ciidamadii Ammaanka, Hay’adihii qaabilsanaa isku-xukunka sharciga iyo kuwii Caddaaladda.