marsanews.com
Saamaynta Caalami Ee Uu Yeeshay Heshiiskii Sadex Geesoodka Ahaa Ee Dekada Berbera Oo Meelsare Gaadhay Iyo Maraykanka Oo Walaac Wayn Ka Qaba In Shiinahu Dekada Daaroole….
March 9, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Iyada oo ay sii socoto saamaynta diblomaasiyadeed ee heshiiskii Dekedda Berbera uu ku yeeshay mandaqadda Geeska Afrika ayaa waxa Maraykanku walaac ka muujiyey heshiiska Jabuuti ku eriday DP-World isaga oo sheegay in shiinuhu soo galayo Jabuuti taasina khatar ku tahay Maraykanka iyo danihiisa Geeska Afrika.

Warbixin ay shalay baahisay Idaacadda BBC-du ayaa lagu sheegay in Jeneraalka ugu sareeya saldhigga ciidammada Maraykanka ee Jabuuti uu xildhibaanada Aqalka Congress-ka Maraykanka u sheegay in ay aad uga walwalsanyihiin suurto-galnimada in Shiinaha uu la wareego dekadda Jabuuti ee dhawaan laga wareejiyay shirkadda Imaaraatka laga leeyahay ee DP World, Waxa uu sheegay in ciidammadda Maraykanku ay wajihi doonaan Cawaaqib Daran” haddii Shiinaha uu halkaas soo galo.

Dowladda Jabuuti ayaa bishii hore DP World ka wareejisay maamulka dekada Dooraale ee ay ka soo degaan qasacadaha qafilan ee xamuulka (kunteenarada), iyada oo sheegtay in shirkaddu ay xalin wayday muran soo jiitamayay illaa sanadkii 2012-kii.
DP World ayaa go’aanka dowladda Jabuuti ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna dacwad ka furatay maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhexaadinta London.
Dhagaysi ay u fadhiisteen xildhibaanada Congress-ka Maraykanku dorraad oo Salaasa ahayd ayaa inta badan waxaa hadheeyay kaalinta sii kordhaysa ee Shiinaha ku yeelanayo Afrika, waxayna sheegeen in ay ka war heleen warar sheegaya in Jabuuti ay dekadda ula wareegtay si ay hadiyad ahaan ugu siiso Shiinaha.
Jeneraal Thomas Waldhauser oo madax ka ah taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in haddii Shiinahu ay xayiraado kusoo rogaan isticmaalka dekadda, in taas ay saamayn doonto in maraakiibta dagaalka Maraykanka ay shidaal ka qaataan meeshaasi.
Jabuuti waxaa degan ciidammo Maraykan ah oo gaadhaya illaa 4,000 oo askari, waxaana jirta in Shiinuhuna uu saldhig ka furtay meel aad ugu dhow kan Maraykanka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Geng Shuang oo Beijinh ka hadlayay ayaa sheegay in dowladdiisi aanay waxbo kala soconin xaaladda dekada Dooraale, Wuxuu intaas ku daray in iskaashiga Shiinaha ka dhaxeeya Afrika aanu ahayn mid lid ku ah dal seddexaad, sida uu hadalka u dhigay.
Jeneraalku waxa uu sheegay in Maraykanku aanu la ekeysan karin mashaariicda uu Shiinaha ka dhisayo Afrika, wuxuuna xusay in ay xitaa dhisayaan dhismayaal laga dukaamaysto, dhismayaal dowladeed iyo xitaa garoomo waaweyn oo kubbadda lagu ciyaaro.
Wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in nooca maal-gashi ee Shiinuhu Afrika ku samaynayo ay “Dhiirigalinayso Dhaqanka Ku Tiirsanaanta” ee Afrika.

Si kastaba ha ahaatee waxa saamayn caalami oo xoogle yeeshay heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee dhawaan dalka imaraadka carabta ay ku kala saxeexdeen Shirkada Dp world iyo somailand iyo waliba itoobiya kaasi oo arinta mandaqada wax wayn ka badalay islamarkaana ka dhigay meel ay quwado waawayni ku hirdamayaan oo iyagu masaalixooda ka shaqaynaya somaliland na fursad qiimo badan u ah oo u baahan in si cilmiyaysan looga faaidaysto loolana jaanqaado isbadalada iyo danaha la kala iibsanayo ee isticmaalka istaraatajiyadeed ee dalkeeda oo isagu ah meelo halbahle wayn u ah quwadahaa loolanka siyaasadeed ka dhexeeyo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews