marsanews.com
Saaxiibo Ay Jibbada Siyaasaddu Isu Keentay Oo Maryo-dhiigle Ku Kala Furtay Madal Ay Labeentii Qaranku Fadhido Iyo Nuxurka Weedho Fool-ka-fool Laysku Weydaarsaday
August 7, 2017 - Written by editor marsan

Wixii Ummusha U Dan Ah Ayaa Ilmahana U Dan Ah, Sidaasi Darteed  Waxa Murashaxa U Dan Ah Ayaa Qofka Shakhsiga Ahna U Dan Ah– Duur

“Waxaan Aad Iyo Aad U Ammaanayaa Farriintii Uu Sheegay Duur,   Laakiin Ninkii Dardaarankaas Bixin Lahaa Isaga Maaha Oo Markii Uu Wasiirka Ahaan Jiray Ayaa………” -Feysal

“…..Axmed Siilaanyo Mar Waa Dhex Marna Waa Dhinac, Aniguna Musdambeed Odhan Maayee DUUR Waa Xidhihii Cabdiraxmaan-Cirro, Muuse Biixi Cabdina Aniga Ayaa U Xidhe Ah” – Maxamuud Xaashi

Hargaisa:(Marsanews) Maanta halkan uma kala maqnin oo nuur iyo naalleeyaba waa loo wadajoogaa ee waxaan odhanayaa kelmad iga dardaaran ah, waxaan soo maray ayaana I xasuusiyay. Waa la inna eegayaa oo qaranka Somaliland waxa lagu eegayaa doorashada oo saddex innamood ee tartamayaanna waa walaalo, dhammaan shacbiguna waa wada walaalo, sidaasi oo ay tahay waxaa la eegayaa sida aynu umaarayno doorashadaas,oo cadawgeenna iyo ka innajeceliba way innaeegayaan. Waxaan saddexda masuul ee tartamaya ee halkan fadhiya xasuusinayaa in wixii ummusha u dan ahi ay ilmahana u dan yihiin.

Hadalladaasi waxaa ay kamid ahaayeen khudbad uu Siyaasiga Maxamed Nuur Carraale Duur oo ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga WADDANI Ka Jeediyey Maalintii dorraad madal meher ahayd oo ka dhacday magaallada Hargeysa, taasi oo  marti sharafta lagu casuumay oo u badnayd labeenta qaranku kamid ahaayeen Murashaxiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, kuwaasi oo Uu Mr Duur sheegay in uu dardaaran la xidhiidha doorashada faraqa ugu guntayo. Waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “Waxa Murashaxa u dan ah ayaa qofka shakhsiga ahna u dan ah, dardaaran kayguna waa Nabad. Ciidamada qarankaygoow  waxa aanu ku jirno annagu ee xisbiyo ah ee calan ah ee qabyaalad ah haddii aad idinkuna nala gashaan ogaada qarankii wuu dumaye, sidaas darteed dardaaran gaar ah ayaan idin farayaaye waxa qaranku ku badbaadayaa marka aad gaar iskaga taagtaan waxa aanu ku dhexjirno ee ninkastoo xad gudba magac uu yeesho iyo muuqaalka uuyeeshaba aad idinku gacanta  ku qabataan”. Ayuu yidhi Duur,hase yeeshee guddoomiyaha ahna murashaxa xisbiga UCID Eng. Faysal cali Waraabe oo Mr. Duur Kadib hadalka qaatay ayaa si daran u naqdiyey khudbada uu Duur Jeediyey iyo farriinta ay xambaarsanayd oo uu ku tilmaamay in inkastoo ay wanaagsantahay haddana aanay munaasib ku ahayn in uu isagu yidhaahdo isaga oo sababtana raaciyey “Waxaan aad iyo aad u ammaanayaa farriintii uu sheegay Duur, waxay ahayd farriin fiicanoo aad u wanaagsan iyo dardaran fiican, laakiin ninkii dardaarankaas bixin lahaa isaga maaha oo markii uu wasiirka ahaan jiray ayaa xaaskaygu igu tidhi waar ninku hadal wanaagsanaa, markaasaan ku idhi wuxuu meesha ku haystaa eeuu booskaas ku helayba waa hadalkaas”.  Ayuu yidhi Faysal.

Intaas ka dib waxaaisaguna hadalka la wareegay wasiirka wasaaradda madaxtooyada Maxamuud Xaashi cabdi oo kala furtay labadaasi masuul ee hadalka uga horreeyey isaga oo kala furtay Faysal iyo Duur, waxaanu yidhi “Saaxiibkay Maxamed Nuur Carraale Duur wuu ku hagaagsanaa oo hadal wanaagsan oodardaaran ah ayuu halkan ka jeediyey,waxaanan is leeyahay lama qabo anigu saaxiibkay faysale,dardaarankaas waa ninkii odhan lahaa Duur,laba halba waan isu leeyahay oo ninkani waa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha JSL  oo wuxuu garanayaa culayska saaran iyo xilka doorashada  oo weliba waxaa uumaamulay doorashadii goleyaasha deegaanka oo xanaf badani kasoo gaadhay isaga, mida labaad ee uu ku mutaystay dardaarankaasina waxa ay tahay anigu musdambeed odhan maayee waa xidhihii Cabdiraxmaan-cirro, Murashaxa WADDANI, sidaasi darteed Muuse Biixi Cabdina aniga ayaa u xidhe ahoo hadalkaagaas waanu ku shaqaynyanaa, Weliba Axmed Siilaanyona way ka goan tahay, oo been sheegi maynee isagu Mar waa dhex marna waa dhinac, mar waa dhexoo qaranka oodhan oday buu u yahay oo inay si  wacan doorashadaasi u qabsoonto  taariikhdiisa ayay ku suntan tahay, marna waa dhinacoo xisbi buu oday u yahay oo uu soo maamulay markii dembena waa kaas ku wareejiyey Muuse Biixi Cabdi oo dee Muusena waa uu taageerayaa”. Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews