marsanews.com
Sadex Meheradood Oo Hor-joogayaashoda Shabigu Aanay Qiil u Haynin Iyo Wakhtigii Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka Oo Kaabiga Inagu Soo Haya
June 8, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Jawhareerka siyaasadeed ee somaliland dhinac axsaabta qaranka ayaa ah mid wakhti xaadirkan umadu jiho ay u qaado ay garan la’dahay kadib markii xusbiyadii qaranku ay noqdeen meherado ay mulkiilayaasha lihi yihiin kuwo toos uga xuubsiibtay xayntaabkii axsaabta siyaasada ee qaranka somaliland.

Somaliland waxa ka jira sadex xusbi qaran oo mid kastaba horjoogihiisu yahay mid danihiisa gaarka ah ku foogan sadexdan xusbi oo kala ah Kulmiye Waddani Iyo Ucid ayaa mid kastaba aynu tilmaami doona halka ay bulshadu ka taagan tahay iyo waliba aragtiyaha saxda ah ee ay ka aaminsan yihiin iyagoo waayo-aragnimo ay ka soo dhaxleen sooyaalkii taariikheed ee xusbiyadaas dale ka dhiganaya.

  1. Xusbiga kulmiye oo ah haatan xusbiga hogaaminta talada dalka haya waxa uu caan ku yahay oo uu ku sifoobayaa waa xusbiga qaaday koobka abaal-darada oo isaga waxaan odhan karnaa Libgadka iyo abaali’idu waa low u gooniya” marka aan sidaa leenahay waxa aynu daliil uga dhigaynaa dhacdooyin badan oo bahwayntii taageerayaasha xusbiga kulmiye la soo daristay mudoba laba jeer oo xusbigu guulo ka gaadhay doorashooyinkii dalka ka dhacay.
    (A) Tusaale Xiligii madaxwaynihii hore ee axmed silanyo uu ku guulaystay hogaaminta talada dalka waxa uu idil ahaan ba cidlo kaga tagay dhamaan kaadiriintii bahwaynta kulmiye ee daruurta guusha dushooda ka curatay ee iyagu laf-dhabarta u ahaa guushii uu madaxwaynaha ku noqday islamarkaana xiligii uu xukuumadiisa dhisayay silanyo oo ahaa musharaxii kulmiye waxa uu dhinac isaga dhigay dhamaan ragii kifaaxa halganka xusbiga la soo galay oo waxa uu wasiiro ka dhigtay cid aan u ehel ahayn kulmiye sidaasna waxa abaal la’aani ku dhacday in badan oo siyaasiyiintii ruugcadaaga kulmiye ahaa islamarkaana mudo todoba sano ah dhex taagnaa gidaaradii cidla ahaa ee xarunta xusbiga kulmiye iyagoo wehel halkaa ugu ahaa Gudoomiyhii xiligaa Muuse Biixi Iyo Ku xigeenkiisii Ina kaahin oo labauduba haatan yihiin Madaxwayne iyo wasiirka daakhiliga.
  2. 2017kii oo xusbiga kulmiye markale doorashadii madaxtooyada ku uulaystay hogaaminta talada dalka islamarkaana Madaxwayne uu noqday Muuse biixi cabdi isagoo mudo todoba sano ah hel ka dhiganayay kaadirkii kulmiye ee silanyo cidlada kaga dhaqaaqay oo la bidayay in muuse uu noqon doono mid garanaya waayihii adkaa ee ragaasi ay whelka uga ahaayeen gidaarkii madhnaa lana filayay inuu xusbiga ka soo dhisi doono xukuumadiisa ayaay sidii caadada u ahayd kulmiye ay dhacday in muuse na sidii silanyo si ka sii daran sameeyo oo dhamaan golahiisi wasiirada iyo agaasimayaashii guud ba ka dhigtay yaryar aan maalin qudha kifaaxa siyaasadeed ee saymihii adkaa ama duruufihii siyaasiga ahaa aan la soo wadaagin oo aan hareertiisa iyo ta xusbiga midna lagu arag.
    Taasi waxay marag ma doon ka dhigaysaa in caado uu leeyahay kulmiye ay tahay oo aan cidi mardanbe kuba habsaami doonin oo waayo-aragnimo buuxda ay bulshadii ulashada qabtay hankoogii ku danbeeyay hungo wajigabax u ehel noqotay.

    Xusbiga Ucid” Sida aynu la wada socono xusbiga Ucid isagu waa xusbi mucaarid soo ahaa taniyo intii axsaabta qaranka lagu dhawaaqay waana xusbiga ugu dada wayn axsaabta qaranka, waase xusbi uu horjooge ka yahay ama mulkiilihiisu yahay Faysal cali waraabe oo isaga ay caado u tahay inuu la macag noqdo hadba kii kursiga madaxwaynaha fadhiya oo taasi waxa ay noqonaysa foof-daran habawga bulshadu ka qaaday intijaahiisa siyaasiga ah oo lamaba garan karo aaminaadiisa xusbiyeed cida u ehelka noqon karta ee la odhanayo waabahwayntii xusbiga ucid waayo isaga ayaaban jiho loogu soo hagaaga jirin kaliyaata waxa uu doorkiisa mihiimka ah uu ka qaataa xaaladaha guud ee qaranka somaliland oo uu badheedhe cad ka leeyahay.Xusbiga Waddani: Xusbiga mucaaridka ah ee waddani oo isagu ahaa xusbiga mucaarid ahaan ugu awooda badnaa islamarkaana ay loolan adag soo wada galeen kulmiye ayaa xiligii natiijada doorashada la shaaciyay kadib isna noqday xusbi qabaliya oo ka baxay xayndaabkii xusbinimo oo aad arkaysaa isagoo ay ku hadlayaan afkiisa mid ka mida beelaha reer somaliland oo ah beesha uu hayb ahaan ka soo jeedo gudoomiyaha xusbigaasi taasina ay noqotay mid dhaxalsiisay inuu lumiyo in badan oo ka mida bulshada oo iyagu ulanayay inay cududooda taageero la tagaan xusbigaa mucaaridka ah ee waddani maadaamo ay labada xusbi ee kulmiye oo ku sifoobay abaal-laawaha siyaasada iyo ucid oo iyadu jiheeyeba aan lahayn, dadkii ka soo irdhoobi lahaa aanay haysan meel gabood siyaasadeed ay ka dhigtaan iskuna muujiyaan rabitaankoodana ka sheegtaan iyagoo gufaacooyinkii kala duwanaa eebadiba kulmiye ay kala soo kulmeen waddani kaga faaiidaysan lahaa balse uu noqday xusbiga waddani na mid jaanisyadaa siyaasiga ah ee uu ku kasban lahaa tageerayaasha haatan dibad-yaalka ah una noqon lahaayeen kuwo uu guulo siyaasadeed ku gaadho kuana soo kordhin lahaa curin iyo hal-abuur cusub oo ay ku naqdiyi karaan xukuumadan kulmiye ee aan lahayn shaqsi umada hal qodob ka dhaadhicin kara. ama difaaci kara eedaha siyaasad xumo ee guud ahaan xukuumada haatan talisa dul hoganaya.
    Gabagabadii shacbiga reer somaliland waxay quus ba ka joogaan sadexda meheradood ee Kulmiye, Ucid Iyo waddani oo sadexdooduba ah Reerkayagu waa wada ul oo ul la qaato maleh
    Waxsa aanay garanayn sadexdan horjooge ee meheradaha ka dhigtay axsaabtii qaranka ee ahayd in loo sinaado taladeeda islamarka guusha la gaadhana dadka guusha dhaliyay ay saaxada talada ka mid noqdaana ka irdheeyay in aanay haatan doorashooyinka soo socda uba faadhumaysan kala jeclaysiga hebeladan meheradaha ka dhigtay xusbiyadii siyaasada oo ayba macquul tahay in cid kala taageertaba ay waayaan marka laga tago hanaan qabaliya inay waxa ku kala helaan mooyaana taasina ay tahay masiibooyinka dalkan haadaanta ka sii tuuraya.

    Wretting by Cheif Editor

    C/risaaq Sheekh Maxamed

    Email: Abdirizake74@gmail.com Ama Tell: 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews