marsanews.com
Saldhigyada Bilayska Oo Noqday Hoyga Dulmiga Iyo Cadaalad Daradu Ka Soo Bilaabanto Iyo Jananka Guud Oo Saraakiil Igman u Samaystay
July 19, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Saldhigyada bilayska magaalada hargaysa oo intooda badan ay taliyayaal ka yihiin saraakiil igman oo taliye fadal si gaara u cugtay ayaa badiba saldhigyadaasi ay ka jiraan dulmiyo fara badan oo dadka inta liidata ee shacbiga masaakiinta ahi ay ku dhiban yihiin, waxa inta badan dhacda in sharciyada ay isticmaalan ay tahay mid qofka jilicda san keeno adag ku qabata halka hebelada ama ashkhaasta ladan ee bulshada ka dhex muuqatana ay si aad u saraysa u karaameeyan.

Hadaan qadar yara dul istaagno cadaalada iyo sinaanta shuruucda dalku sida ay u tahay laf-dhabarta bulshada iyo xasiloonida islamarkaana iinsaanka waxa kaliya ee kala gura wada qanciyaana ay u tahay helista cadaalada loo siman yahay, ayaa taa cakiskeedu uu ka jiraa badiba saldhihyada oo iyagu ah halka kiis kasta ama dacwad oo dhami ka soo bilaabanto.

Inta badan waxaan maqalnaa cadaalad daro ay bulshada badideedu ka cabanayso iyagoo laamaha garsoorka aad uga eed sheeganaya, waxse aan lays waydiin oo aan baadhis iyo daba gal toona lagu samayn halka dacwadu ay ka soo bilaabantay oo ah saldhiga islamarkaana danbi baadhaha saldhiga iyo taliyaha saldhiga ee xeer ilaalinta dacwada u gudbinaya oo iyagu ah halka eeshu ay taalo ayaa dacwad kastaba laaxinka galiya iyagoo halkii wax ka qaban lahayd lafteedu ka qayb ah oo sida aynu la wada socono, hanaanka dawliga ah ee kala danbaynta iyo wada shaqaynta jaran jarooyinka lehi ay dhanka bilayska haatan ka maqan tahay waayo se?

Hogaamiyaha bilayska oo isagu leh awoodaha ku ilaalinta qawaaniinta iyo xeerarka bilayska islamarkaana ah jananka guud ee awaamiirtiisa lagu shaqeeyo ayaa sida aan kor ku soo xusnay samaystay qaar ka mida taliyayaasha saldhigyada oo iyagu aan dhicin lana badalin shaqadana laga qaadin kuwaas oo kala ah

1. Diinqale

2. Maxamed Case

3. Dacawo

4. Badal

Iyo Kuwo kale oo badan oo intuba ay yihiin taliyayaal saldhig oo aan marnaba laga qaadin maamulka saldhigyadaasi halka ragii aqoonta bilayska u lahaa ee sida quman dadka ugu xaqsoori lahaana ay dhibanayaal u yihiin taliye fadal.

Waxa intaas ka sii wada cajiib badan in kooxdaas igman ee hogaanka sare soo cugto ay ku sii lamaan yihiin danbi baadhayaasha saldhigyada ay kooxdaasi maamusho oo uu baadhayaal ay aad isugu dhaw yihiin uu iyagana hlkaasi gaystay oo laftoodu ay yihiin siridaaliyiin kale oo saacad kasta waxii ka socda saldhiga ay si quman ugu tabiyaan cida igmatay,

Si wal oo xaajadu tahay ba waxa marag madoona oo garaadka fayoobi arkayaa in dulmiga iyo tacdiyada dalka ka ka jiraa ay yihiin kuwo ka soo unkaba saldhigyadaa aan soo sheegnay.

Hadaba waxa iswaydiin mudan hogaanshaha talada dalka loo doortay ee haatan mayalka u haya oo isagu in badan halhays ay u ahayd in sharcigu saraynayo ma waxaynu odhan karnaa intaas wuu moogan yahay mise waxa bar kuma taala hadaladii uu umada kaga doonayay codka oo ahaa beer laxawsi, jawaabtu waa ciday khusayso.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews