marsanews.com
Saluuga Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Ee Xisbaga Waddani Iyo Musdanbeedka Xusbigaas Oo Dhagahii Ka Furaystay
August 28, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku ee deeyay xisbiga Waddani oo uu ka tirsan yahay in aanay ku garab istaagin in uu u tartamo jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi, taasina ay keentay in uu ka tanaasulo hankiisi.

Siciid Cilmi oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta sharraxayna siday u dhacday codayntii lagu doortay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada oo shalay loo doortay Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Ayaa tilmaamay in ay si fiican u dhacday doorashadaasi, isla markaana uu u codeeyay xildhibaan Axmed Yaasiin. “Doorashadii loogu tartamayay  jagada   guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, si fiican ayay u dhacday, si wacan ayaana loo kala helay, aniguna murashax ayaan ahaa, waanan tanaasulay,  waayo xisbigaygii ayaan i soo dhigin.

Aniga oo u sharraxan jagada guddoomiye ku xigeenka, mar haddii uu xisbigaygii WADDANI i soo dhigi waayay, sidaa awgeed ayaan u tanaasulay,  waxaanan u coddeeyay oo aan codkii siiyay xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle. gadaal ayaan ka hadli doonaa, guul ayaanay ku dhammaatay doorashadaasi,  ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Dhawaaqan Xildhibaan siciid cilmi rooble oo xanbaarsanaa dayro uu ka qaaday xusbiga uu ka tirsan yahay ee waddani ayaanay kaadiriintii xisbiga iyo waliba musdanbeedka jaan-gooyada siyaasada xisbiga midna dhag jalaq u siin oo ay dhagahii ka furaysteen, isla markaana taasi ay noqonayso mid markeeda hore ba qorshaysnayd daadafaynta xildhibaan siciid ee tartankii gudoomiye xigeenka wakiilada, oo sida uu siciid sheegay ay ka marag kacayso inaan lala rabin jagadaa gudoomiye ku xigeenka wakiilada oo talo midaysan oo aanu isagu ogayn ay jirtay, iyadoo taa macnaheedu noqonaysa in aanu xildhibaan siciid ku lahayn xusbiga waddani dhexdiisa miisaan siyaasadeed oo culus.

Wakhtigan xaadirka ah oo axsaabta siyaasada ee tartanka hogaaminta dalka ku loolamayaa ay ku guda jiraan hanashada siyaasiyiinta miisaankoodu culus yahay ayaa xildhibaan siciid cilmi rooble oo siyaasada dalka mudo 20Sano ah ku soo dhex jiray Mudadaas na ahaa xildhibaan golaha wakiilada ka tirsan isla markaana hore u ahaan jiray xusbiga kulmiye oo uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu saamaynta badani kulmiye dhexdiisa balse mudo aan badnayn Haatan ahaa xisbiga waddani oo aad mooda in aanu ku dhex lahayn miisaanka siyaasiyiinta baadi-goobka loogu jiro, waayo waxaan dhacdeen sida fudud ee aan facaailka uu waddani ka tirsanayaa u dhacay, oo aanay noqoteen mid halkiisa lagu ilaawo markaad eegto dhawaaqiisa dhiilada siyaasadeed xanbaarsan iyo sida aanay uba dhaadan musdanbeedka waddani ee caanka ku ah ka dabataga siyaasyiinta wax ka tirsada waddani ama soo xero-galinta siyaasiyiinta in uun ay ku tuhmayaan inay wax ku soo kordhin karaan balse marka kafada ay saareen miisaanka siyaasadeed ee xildhibaan siciid cilmi rooble uu la noqday mid aan sidaa u sii cuslayn oo ah wayd, waana ta keentay in tirsigiisii iyo dhawaaqiisi warbaahinta uu soo mariyay ba inay noqdaan Barkuma Taal.

Wrettin by cheif editor c/risaaq maxamed axmed

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews