marsanews.com
Saraakiil Ciidan oo ku Dhintay Shil Baabuur oo ka Dhacay Degaanka Xamaas.
April 13, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Alle ha u naxariistee saddex qof ayaa ku dhintay dhawr qof oo kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay galabta laba gaadhi isku dhaceen agagaarka magaalada Xamaas ee gobolka Saaxil.

Baabuurta isku dhacday ayaa kala ahaa Bas kuwa rakaabka ah oo ka yimid magaalada Berbera una sii jeeday magaalada Hargeysa, halka Baabuurka kale oo ahaa Landcruiser ay lahaayeen ciidanka ilaalada xeebuhu uu ka soo kicitimay caasimadda Hargeysa una sii jeeday Berbera.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa werisay in Gaashaanle dhexe Cabdi-weli Cabdilaahi Warfaa oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Berbera iyo laba nin oo kale oo midi sarkaal ahaa ay ku dhinteen shilkaasi. Halka dhawr qof oo kale oo uu ku jiray dirawalkii basku ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen shilkan.

Warku wuxuu intaas ku daray in Badhasaabka Gobolka Saaxil, Axmed Cismaan Xasan iyo Xoghayaha gobolka iyo masuuliyiin kale oo u gurmad ku tagay goobtii shilku ka dhacay ay soo qaadeen maydkii, hase ahaatee uu daad ka soo rogmaday dooxa Cabaad-weyne uu halkaas ku xanibay masuuliyiintii iyo maydkii ay u sideen magaalada Berbera.

XIGASHO: WAKAALLADA WARARKA SOMALILAND EE SOLNA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews