marsanews.com
Shabakada Hadhwanaag Oo Noqotay Mid Ka Shaqaysa Kala Fogaynta Shacbiga Reer hargaysa + Maamulka Hargaysa Ee Shabakadaas Oo Meherad Ganacsi Ka Dhigtay
August 24, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Mudooyinkan danbe waxa ay shabada wararka ee hadhwanaag noqotay mid isugu luga duwatay isku dirka kala fogaynta iyo waliba kala faquuqa bulshada reer somaliland.

Markaad eegto shabakadan oo ahayd midka loogu akhriska iyo booqashada badnaa ayaa haatan noqotay mid xiisihii iyo jeclaysigii bulshadu uu aad hoos ugu dhacay, taasi oo sababteedu tahay habkii iyo nidaamkii qalin qoraal ee ay wararka rasmiga ah u soo tabin jirtay oo meesha ka baxay isla markaana u xuub-siibtay qoraalo gabi ahaan ba ka baxsan anshaxii saxaafada.

Maamulka shabakada ee hargaysa ayaa isagu inta badan weeraro qaawan ku qaada masuuliyiinta aanay gacmahoodu is gaadhin taasina waa iinta koowad ee disha mihnada saxaafada.

Waxa iyana sumcadii shabakada hoos u dhac wayn ku keentay sida ay u tabinayso wararka kala fogaynaya bulshada walaalaha ah ee magaalada hargaysa ku wada nool ee ay ka baahinayso wararka aan jirin ee ay ka midka yihiin wadooyinka laga dhisayo ama la dayac-tirayo oo ay qoraalada ay ka samaynayso ku sheegaysa in xaafado gaara wadooyin laga dhisayo taasina aanay ahayn mid caado u ahaan jirtay shabakadan oo aad loo jeclaa balse haatan farta lagu wada fiiqay kadib markii ay gaadhay heer ay xaafadihii hargaysa kala qaad qaado.

Waxa taasi sii dheer in ay caado u noqotay weerarka ganacsatada oo iyada ay ujeedadeedu tahay mid ka turjumaysa ama yeelanaysa sawir meel ka dhac ku ah saxaafada oo noqonaya in ay baad ka doonayso hadii kale ay waxay doonto ka soo qorayso.

Arimahan oo ugub ku ah shabakada hadhwanaag oo aan looga baranin hab-dhaqankan ayaa umada iyo macaamiisheedii sida joogtada ah ula xidhiidhi jiray idil ahaan tood ba haatan ay niyad jab iyo walaacba ka muujiyeen taas oo masuuliyadeeda ay leedahay maamulka magaalada hargaysa u jooga oo isagu dhamaanba habdhaqankaa shabakada meel-ka dhaca ku ah dushiisa ay saaran tahay.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews