marsanews.com
Shan Bilood Ka Hor Iyo Haatan Maxaa Iska Badalay Aqalka Dalka Looga Arimiyo Ee Madaxtooyada
May 8, 2018 - Written by editor marsan

Kaliya Waxa Is Badalay Axmed Iyo Muuse Oo Labaduba ah Madaxwayne Yaashi Xilka La Kala Wareegay

Hargaisa:(Marsanews) Madaxtooyada jamuuriyada somaliland wakhtigii Axmed silanyo waxa jiray in awoodaha ugu badan ee jaangooyad siyaasada dalka ay ahayd mid ku kooban caylada odayga dalka hogaaminayay islamarkaana waxa wasiiro u kala danbeeyay xilka wasaarada madaxtooyada laba inan oo ay isku hayb ahaayeen madaxwayne silanyo.

Halka wakhti xaadirkan uu madaxwayne biixi ka talinayo madaxtoooyadiina ay sidii xiligii silanyo oo kale isna ku xeeran yihiin Xidid iyo xigaalba.

Wasiiradii madaxtooyada wakhtigii silanyo waxay ahaayeen Xirsi iyo Maxamuud Xaashi, oo labaduba ahaa wasiiro awood leh.

Halkan imika wasaaradii madaxtooyadu aanay lahayn wasiir balse ay leedahay Agaasime Guud oo isagu leh awoodii wasiirnimo.

Tusaale

Agaasimaha guud ee madaxtooyada xukuumadan madaxwayne biixi waa Maxamed Cali Bilo, oo haybta guud wadaagaan madaxwaynaha islamarkaana awoodihiisu ay ka muuqdan wareegtooyinka sida dhibicda isaga soo daba dhacaya ee uu ku macaabo shaqaalaha madaxtooyada isagoo sidii wareegtaada madaxwaynha mid la mida soo saara kuna iclaamiya warbaahinta, taas oo ah mid habdhaqankeedu ku cusub yahay saaxada siyaasada iyo habka maamulka labadaba marka aad eegto awoodaha agaasime guud uu leeyahay oo iyadu ah maamulkii iyo maarayntii wasaarada uu horjoogaha ka yahay, balse aanay ahayn mid awood magacibiseed leh oo waliba warbaahinta la galiyo.

Ma jirtaa wax isbadal ah oo ka muuqda madaxtooyada

Marka si miyir qabta loo qiimaynayo waa Maya’  hadii se laga tagi waayo waxa is badalay kaliya waa cagtii badnayd ee dadka galaya madaxtooyada oo haatan aan jirin.

Xiligii madaxwayne silanyo waxa aad arkaysay hadaad booqato aqalka madaxtooyada dad aad u tiro badan oo dayrka gurigaasi isku dhex waydaaranaya oo badidoodu ahaayeen siyaasiyiin iyo waliba inta ku xeernayd maamulkii halkaa ka ariminayay.

Haatan se hadaad aragto madaxtooyadii oo aad gasho arki maysid is dhex qaad kii badnaa waxse aad arkaysaa shaqsiyaad muraado kala duwan leh oo inta badan quudaraynaya aragtida madaxwayne biixi tiyoo aanad fahmi karayn hawlaha ay u socdaan waxse inta badan la masanuunin karayaa inay u socdaan hawlo shaqsi oo gaara balse aanay ahayn dano guud iyoi shaqo ay qaranka u hayaan toona.

Siyaasada dalka yaa jaangoynteeda ku weheliya madaxwayne biixi

Dabcan jaalihiisa koowaad waa wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo isaga ay mudo dheer kifaaxa siyaasada gaar ahaan halgankii kulmiye wehel isaga ahaayeen, inkastoo aanay jirin guulo siyaasiya oo labadoodaba la odhan karo durtaba way gaadheen wallow ay xilka qaranka mudo kooban ba hayeen, hadana ma jirto wax ilaa haadan la odhan karo sumad bay u tahay, waayo? bilawgii cugashada golaha wasiirada ee xukuumada madaxwayne biixi waxa in badan bulshadu ulanaysay in uu soo dhisi doono dawlad tayo leh oo ay ka dhex muuqdan badiba aqoon-yahankii kaadiriintii xusbiga ee mudada badan garbahiisa taagnayd.

Waxase uu qaaday madaxwayne muuse dariiqii hore ee madaxwayne silanyo maray oo waxa uu ka tagay badi xusbiyahankii kulmiye taasina waxay noqotay astaamaha lagu xusuusto kul;miye oo ah abaal-darada siyaasada in hoygeedu yahay xusbiga kulmiye.

Waxa uu madaxwayne biixi magacaabay oo golahiisa wasiirada ugu wanqaladay da’yar fara-badan oo xataa aan ahayn dhalinyaradii ka dhex muuqatay xusbiga kulmiye waxse uu sheegay biixi inuu ku xushay aqoon iyo karti, taas oo aan ilaa hada dhinacna u kala gurin dhibaatooyinkii bulshada haystay ee ay ulanayeen in isbadalku wax badan keeni doono, laakiin aanay wax isbadal togan ah aan la arag wax ka sii daray mooyaane.

Aragtiyaha dadka siyaasada odorasa  waxay sheegaan in madaxwayne muuse uuna ahayn shaqsi aragti dhaw balse ay ka tahay xulashada noocan ihi mid uu tijaabo uga dhigayo dhalin yarada oo inta badan iyagu ah cududa dalka ee codaysa maadamo uu xili kale damac ka hayo gacan ku sii haynta talada dalka.

Wretting by cheif editor

C/risaaq maxamed axmed

Email: Abdirizake74@gmail.com ama tell: 063448047

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews