marsanews.com
Sheekh Saleeban Iyo Intii La Macaga Ahayd Ee Ku Mamtay Boobka Iyo Dhaca Hantida Umada Inay Dhuuman Waayan Oo Umada Soo Hor Istaagan Waxa u Sahashay Isla Xisaabtan La’aanta
November 13, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Maareeyihii Haamaha Kaydka shidaalka ee Magaalada Berbera, Xiligii xukuumadii madaxwayne silanyo, Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo dabayaaqada bishii 7-aad 2015kii, isagu xiligaa xisaabaadka (Akoonnka) Haamaha Shidaalka kala baxay lacag cadadkeeda lagu sheegay $ 500.000 doollar, taasi oo uu si gaar ah u adeegsaday.

Maareeye Saleebaan, ayaa lacagta uu sida gaarka ah ugala baxay qasnada haamaha shidaalka Berbera waxa uu inteeda badan galiyey isla-markaana ku iibsaday dhul ku yaalla Magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Daruuraha oo uu ka iibsaday dhul deyran oo hal baloog ah.

dhulka deyran oo hore u ahaan jiray Geerash, ayaa waxa uu ku yaalay dhanka bari ee Masaajidka Ina WEERAR ee xaafadda Daruuraha Hargeysa, waxaana Maareeyuhu dhulkaasi ku iibsaday lacag dhan $ 300.000 kun dollar, sida aanu ka soo xiganay Dilaaliintii dhulkaasi u kala iibisay Maareeyaha iyo dadkii Mulkiyadda dhulkaa hore u lahaa.

Sidoo kale, Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa xiligaa xaafadda Jigjiga yar ee Hargeysa gaar ahaan maansoor dhabarkiisa ka binaystay Guri Dabaq ah, kaasi oo lacagta uu ku kacay lagu sheegay $ 180.000 dollar.

Wax iyana aan la hilmaami karin oo wakhti xaadirkan uu ku shaqaystaa waa hotelkii waynaa ee biyo-dhacay ee ku yaala magaalada berbera oo uu isna iibsaday xiligii uu shaqada ka tagay kiyoo lacagta uu hotelka galiyay ay tahay mid aan qiyaas lahayn.

Hadaba iswaydiintu waxa ay tahay, sheekh saleebaan oo hore aan saaxad siyaasada iyo ta maal-qabeenka mida ku jirin ahaan jirayna qof iska danyar ah oo garab rarato ahaa, balse xiligii xukuumadii silanyo markii loo dhiibay haamaha shiidaalka uu lacagtii qaranka si badheedha ugu tagrifalay, nasiib darona aanu helin cid kala xisaabtanta oo uu sidaa ku mulkiyay dhismayaashasi badan ee xaaranta uu ka dhistay, sidee ayuu maanta uga hadli karaa mususqmaasuq iyo cidbaa hanti lunsanaysa, miyaanay caqliyada umadan kaf iyo meel ka dhacba ku ahayn.

Dabcan somaliland waxa ragaadiyay waa isla xisaabtan la’aanta, waana ta keentay in rag badan oo xoolaha umada boobkoodii ku mamay ay ilaa iyo haatan soo taagan yihiin warbaahinta oo ay ka samri la’yihiin boobkii iyo dhacii cashuurta dadkan masaakiinta ah laga ururiyo ee ay hore u dheefsan jireen haatana ay la’yihiin meel ay ka soo gaadhan.

La Soco Qaybo Danbe Oo Aanu Si Taxane Ah u Soo Bandhigidoono Hanti Uu Sheekh Saleebaan Ka Lunsaday Qaranka Oo Cadaymahoodii Wata

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews