Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimashada 11 Qof Iyo Dhaawac Intaa Ka Badan Oo Ka Dhacay Duleedka Berbera.
October 12, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Shil Gaadhi oo galabta ka dhacay Kaantaroolka bari ee magaalada berbera xarunta gobolka Saaxil ayaay ku naf-waayeen 11 qof halka 17 kalena ay ku dhaawacmeen.
Shilkan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo midkood ahaa gawaadhida qaadka qaada, halka gaadhiga kalena ahaa gaadhi nooca noohada loo yaqaan oo siday tahriibeyaal ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda ee dalka Ethiopia degta.
Dadka shilkan gaadhi ku dhintay ayaa u badnaa tahriibayaashaasi ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda, kuwaas oo kusii jeeday magaaladda Boosaaso oo ay doonayeen in ay kasii tahriibaan, sida ay qaarkood u sheegeen weriyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Saaxil Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud .
dadkii shilkan ku dhintay ayaa la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Berbera, iyada oo dadkii dhaawaca ahaana lagu daweynayo isla cisbitaalkaas.
.