marsanews.com
Shirkadaha Dahabshiil, Telesom Iyo Salaama Bank Ma Iyagaa Ribo Qaata Mise Bangiyada Caalamiga Ah
March 9, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Shirkadaha isgaadhsiinta iyo xawaaladaha ee dahabshiil, telesom iyo salaam bank waxa ay noqdeen kuwo si toosa mayalka ugu haya golayaashii qaranka islamrkaana jaangooya qorshayaasha shaqo ee badiba ay golyaashu qabtaan islamarkaana si toosa u hor istaagi kara xeer dalka iyo dadkaba dani ugu jiri lahayd balse iyaga danahooga gaarka ah ku li’di noqonaya.

Waxa aynu la wada soconaa sida shirkadahani ay uga dagaalamaan samaynta xeerka bangiyada caalamiga ah, iyagoo adeegsada culumo iyo wadaado ay muraado gaara u haystaan, islamarkaana u isticmaalaan hub ahaan, marka ay maqlaan mashruuc sharci oo la xidhiidha xeerarka bangiyada caalamiga ah.

Wadaadada ay shirkadahani isticmaalaan ayaa sheega in bangiyada caalamiga ahi ay yihiin kuwo (Ribo) qaata, islamarkaana aanay shareecada islaamku banaynayn, waa sida ay ku doodaan, waxse iswaydiin mudan dahabshiil iyo salaam bank, lacagta ay qaataan marka lays barbar dhigo iyaga iyo bangiyada caalamiga ah keebaa badan oo ribo dhaaf noqonaya.

Dabcan waxa aan muran ku jirin in shirkadahan dahabshiil iyo salaama bank ay qaatan boqolkiiba dhawr iyo toban dolar halka bangiyada caalamiga ah ee ay la dirirayaana ay qaataan boqolkiiba lix dolar, markaa keeba ribo ah keeba se ribada ka madhan, jawaabta suaashasi waa mid akhristaha aan u dhaafayno

Waxa aan iyana muran ku jirin oo sida dharaartana u cad inaan shirkadahan bangiyada sheegta ee dahabshiil iyo salaama bank aanay wax xidhiidha la lahayn bangiyada caalamka, balse ay iyagu beenta iyo khayaaliga sheegtan oo yidhaahdaan bangiyo caalamiya ayaanu xidhiidh la leenahay taas oo noqotay waxba kama jiraan.

Saamaynta taban ee ay golayaasha qaranka shirkadahani ku leeyihiin waa mid ka timid dhinaca xukuumada oo iyadu u nugul shirkadahaasi islamarkaana ah mid u hayisan.

Golaha wakiilada ama sharcidajinta iyagu waa goleyaal aad is odhanaysid waxa ay ka tirsan yihiin shirkadahaasi ganacsi ee dalka sabankan ugu tunka wayn, waayo? arin kasta oo shirkadahani ay wataan waxa ay golayaasha baarlamaanku ku meelmariyaan sida ugu dhakhsaha badan iyagoo eegaya danaha gaarka ah ee ay xildhibaanadu kaga muraadsanayaan shirkadahaasi, kaasi oo ah wax loo yaqaano maalin dagaalka waana midka bulshada dhaxalsiiyay quusta ay ka taagan yihiin baarlamaankan aan la garan karin xiliga uu meesha ka baxayo, lana helayo baarlamaan dhab ah oo ka turjuma rabitaanka shacbigiisa

Guud ahaan shirkadaha dahabshiil, telesom, iyo salaama bank, waxa ay somaliland ku noqdeen laf dhuun gashay, waaxanay si toosa uga takhaluseen dhamaan hawlihii ay qaban jireen dadka danyarta ah iyo adeegyadii ay bulshadu kala soo bixi jirtay nolol maalmeedkooda noockasta oo uu yahay ba, mana ah shirkado tudhaale u leh bulshada ama lexejeclo ka qaba umadooda ay saacadkasta hagardaamaynayaan, iyagoo cida ay ka shaqaysanayaan ee ay ka faaiidaana ay tahay dhiiga iyo dheecaanka maatida reer somaliland.

Gabagabadii bulshawaynta reer somaliland waxa ay haraad u qabtaa maamulkii dawliga ahaa ee shirkadahan dhiig miiratada ah ka sabato bixin lahaa ee dayrka uga noqon lahaa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews