Shirkii Golaha Wasiirada JSL Oo Maanta Lagu Ansixiyay Xeerar Mihiima Kuwo Kalena Wax Ka Badal Lagu Sameeyay
November 21, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Kalfadhigii 48-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:
1. Kaabista Iyo Wax ka bedelka xeerka La Dagaalanka Mukhaadaraadka Xeer Lr.21/2002
2. Qabyo Qoraalka Xeerka ka hortaga iyo Xakamaynta Ka Ganacsiga iyo Tahriibinta Dadka oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.