marsanews.com
Somaliland Sadex Xisbi Qaran Oo Aan Waxba Ku Kala Duawanayn Iyo Xulashadii Bulshada Oo Quus Taagan
March 27, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Somaliland ayaa in mudo ah wax ku soo dooran jirtay habka beelaha oo uu dhigayay axdi qarameedkii shirarkii burco iyo boorame, hanaankaa beelaha oo iyagu ahaa mid ergo ka socota beelaha somaliland ay matalayeen bulshada, sidaana ay mudo laba jeer ah madaxwayne ku soo doorteen 1993-kii iyo 1997-kii oo labadaa goorba ay madaxwayne nimo u doorteen marxuum maxamed xaaji ibraahin cigaal.

Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee hogaamiyihii ruuxiga ahaa marxuum maxamed xaaji ibraahin cigaal ayaa sanadkii 2001-dii dalka ka qabtay kana hirgaliyay aftidii dastuurka, islamarkaana noqotay mid lagaga baxay axdi qarameedkii dalka lagu maamuli jiray oo dalkii loo sameeyay dastuur dhigaya in la qaato habka nidaamka axsaabta badan ee dimuquraadiyada la yidhaa layskuna dooranayo hal qof iyo hal cod.

Sanadkii 2002-dii ayaa doorashadii u horaysay ee si xor ah ay bulshada reer somaliland codkooda wax ugu doortan la qabtay taasi oo ahayd doorashadii golayaasha deegaanka islamarkaana ay ku soo baxayeen sadexda xisbi qaran ee matali doona bulshada, sidaana ay ururnimadii kaga soo gudbeen sadexdii xisbi ee Udub, Ucid, iyo Kulmiye.

Isla sanadkii 2003-dii oo la qabtay doorashadii madaxtooyada kuna tartamayeen sadexda xisbi ee udub, kulmiye iyo ucid, ayaa guushii hogaamineed ee talada dalka doorashadaasi uu ku guulaystay xisbigii udub oo uu musharax madaxwayne uga tartamayay daahir riyaale kaahin.

Mudadii uu madaxwayne riyaale hogaaminta talada dalka hayay ee ay mucaaridka ahaayeen labada xisbi ee ucid iyo kulmiye oo ahayd wakhti todoba sano ah, waxa dalka ka jiray hab iyo hanaan xisbinimo sax ah oo bulshadu ku kala abtirsato, xisbiyada ay kala aamin san yihiin, taasi oo guud ahaan ba qabyaaladii iyo kala qoqobkii bulshada ee beelaysnaa uu ka dhex baxay oo umadu noqotay kuwo ka tagay reernimadii una guuray xisbi iyo mabaadiidiisa oo ay aaminsanaayeen.

Sanadkii 2010-kii oo la qabtay doorashadii madaxtooyada oo ay ku tartamayeen isla sadexdii xisbi iyo musharaxiintoodii uun oo kala ahaa silanyo, faysal cali waraabe, iyo daahir riyaale, waxaana guushi hogaamiyenimo la huleelay madaxwayne silanyo, oo ahaa musharaxii xisbiga kulmiye.

Laga bilaabo tan iyo maalintii hogaaminta talada dalka xisbiga kulmiye gacanta ku dhigay waxa guud ahaan ba is badalay jawigii siyaasadeed ee dalka ka jiray oo aynu odhan karno waxa uu mar qudha dib ugu noqday beelihii iyo qabyaaladii oo dadkii xisbiyahanada ahaa ay marqudha noqdeen reero iyo beelo ka soo kala jeeda xisbiyadii qaranka, waxaana taasi sababay furistii ururada ee madaxwayne silanyo uu sanadkiisi labaadba ku iba furay in ururadii siyaasada dib loo furo taasi ay noqotay in ururkii xukuumadii silanyo door bidaysay ay soo saartay oo ahaa waddani islamarkaana meesha ay ka baxday udub oo iyadu aan tartankaba ku jirin.

Waxa si toosa u bilaabmay nidaam qabaliya iyo xisbinimadii oo is huwan taasina waxay keentay in doorashadii u danbaysay ee dabayaaqadii sanadkii 2017-kii uu ololaheedu noqdo mid si qawaan oo qabyaaladaysan loo galo.

Doorashadaasi oo markale uu ku guulaystay xisbiga kulmiye oo uu musharax u ahaa madaxwaynaha haatan hogaaminta dalka gacanta ku haya waa madaxwayne biixiye, ayaan ilaa imika qabyaaladii iyo xanaftii ololahii doorashada ka dhashay aan loo helin xal waara oo marba marka ka sii danbaysa ay noqonaysaa mid ka sii xoogaysata qabyaaladu, waana ta ilaa iyo haatan maare loogu heli kari la yahay qabsoomida doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanada.

Dhanka kalena waa arin shacbigii niyad jab xun ku riday oo hogaamiyayaashoodii ay noqdeen kuwo sumadoodu noqotay qabiil iyo umad la sii kala irdheeyo, aakhirkiina waxa ay keentay inaanay dadku danba ka galin doorasho iyo ka hadalkeedaba, oo waxay quus ka qaadeen wajiyadan soo hor-taagan ee aan iyaguna heshiinayn umadana heshiisiinayn, balse ku heshiiska ah inaanay heshiinin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews