marsanews.com
Somaliya Oo Noqotay Dalka Aduunka Ugu Musuq-maasuqa Badnaa 2019-kii
January 23, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Transparency International, oo soo saartay warbixint sanadeedkedii ay ku qiimayn jirtay dalalka aduunka ugu musuqa badan ayaa warbixinteedii sanadka 2019-ka, ku sheegtay in somaliya ay noqotay wadanka ugu musuqmaasuqa badan aduunka.

Transparency International ayaa daraasad ay ka sameysay ilaa 180 dal oo caalamka ah, ayaay Soomaaliya noqotay dalka 180-naad, kaaso ah dalka ugu liita ama ugu hooseeya liiska,  oo waxaa ay heshay 9 dhibic oo ah 100-ka dhibcood ee cabirka CPA.

Sanadkii tagay waxaa ay Soomaaliya aheyd sidoo kale dalka ugu liita musuqa laakin dhibcaha ay heysatay waxaa uu ahaa 10%100 laakin sanadkan hoos ayey uga dhaceen oo waa 9 dhibic.

Hey’addan ayaa sheegtay in wax lala yaabo ay tahay, madaxda Afrika oo qaarkood afka ka sheega ladagaalanka musuqa amaba kursiga ku yimida inay musuqa dabar jari doonan, oo hadana iyagii ceebta dhex fadhiya.

Madaxweyne Farmaajo markii uu xafiiskan qabanayey waxaa uu xildhibaannada hortooda ka balanqaaday in Soomaaliya ay noqon doonto sida Denmark, laakin 3 sano kadib waxaa uu dhex jiifaa ceebtii uu ka sheekeynayey.

Qudbadda Murashaxnimada Xiligii Doorashada Ku Jiray Farmaajo 2017:

Musuqmaasuqa waa cadowga  siyaasadda waana cadowga dowladeed sida shabaabku ay cadowga shacabka u yihiin ayuu musuqmaasuquna u yahay cadowga horumarka.

Waxa laba bilood ka hor la soo saaray inaynu nahay waddanka ugu musuq maasuqa badan  aduunka  176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark,  maxaa inoo diiday inaan Denmark latartano?  maxaan ugu jirnaa inaan noqono dadka ugu xun dunida?  illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug  diinteena ma ogola  dad islaam ah ayaynu nahay ,maxaa ina gaadhsiiyay inuu aduunka inala yaabo  oo ay yidhaahdaan dadkani  bini-aadam maaha.

“Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya  waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa  qofkii hantida qaranka ku takri fala  umaddana waan ku ceebaynaynaa  xabsi dheerna waan u diraynaa.

Hadaba farmaajo oo xiligii uu u ordayay jagadan uu maanta fadhiyo waxa uu shacbigiisa itaalka daran ku beer laxawsanayay inuu noqon doono qofka caynkaas ah ee musuqa uu maanta dhex fadhiyo uu la dagaalami doono.

Markale iyo haayadii

Transparency International, waxaa ay ku talineysaa mar haddii doorasho la ga qabanayo somaliya 2020-ka in laga hirgeliyo barnaamij isla xisaabtan dhab ah.

Dhanka kale, 32 ayey 100 ka keeneen dalalalka saxaraha ka hooseeya. Dalalka ugu hooseeya waxaa kale oo ka mid ah Koonfurta Suudaan, Yemen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews