marsanews.com
Surmo Seegtadii Uurkutaalada Reebtay Ee Siyaasiyiintii Saaxada Hore Isugu Seegay Maanta Somaliland Maka Badbaadi Doonta
July 7, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Inkasto uu dalku soo maray marxaldo kala duwan oo dib u heshiineed laga soo bilaabo 1991kii, tiyoo ay barbar socotay dhismaha haykalkii dawladnimo maanta oo aynu joogno 2018ki waxa muuqata sida siyaasad dalkeena iyo haykalka dawladnimo ba uu wali ugu sidkan yahay hanaankii qabaliga ahaa, taasi oo saamayn taban markasta ku yeelanaysa hore socodkii nidaamka dawladnimo ee sharcigu sarayn lahaa.

Taniyo waxii ka danbeeyay xukuumadii marxuum cigaal ee lagu soo doortay gobolka awdal siyaasiyiintii ka shiidaalka qaadan jiray aragtiyaha qabaliga ahi waxa ku yimid hoos u dhac iyo saamayn la’aan ilaa laga soo gaadhayay xukumadii madaxwayne riyaale oo lafteeda aanay wax saamayn ah aanay ku yeelan balse ay siyaasiyiintaasi soo rogaal celiyeen markii ay timid xukuumadii halgamaagii waynaa ee madaxwayne silanyo.

Dadka falanqeeya siyaasadu waxa ay walaac ka muujiyeen isu muuqashada siyaasiyiinta muxaafidka iyo kuwa mucaaridka oo labada dhinacba ay dhabrka ku hayaan beelaha ay ka soo kala jeedaan oo saaxada loolanka siyaasada ku kala irdhoobay iyagoo dhinacyada beelahaasi ay kala fogaysay siyaasiyiinta ay la kala safteen, haatana dib ay fagaarihii siyaasada ku sii kala durkeen kadib natiijadii doorashado oo ay ka dhalatay xurguf siyaasadeed oo samadaa isku shareertay, markalena dib u soo cusboonaysiisay in dhinac ka mida dhinacyadaasi ku goodiyo shir beeleed la soo dhaafay in dib loogu noqdo taasina ay dalka iyo dadkaba dhaxalsiinayso dib u dhac halis galin kara qaranka.

Si kastaba ha ahaatee somaliland waxa ay u baahan tahay  cidii ka badbaadin lahayd isu bu’ida laab garaacida leh ee qabyaalada la waafajinayo haanka dimuquraadiyada axsaabteenu ee keenaysa in beelahii ay ka soo kala jeedeen siyaasiyiinta saaxada loolanka isku hayaa ay eesha kaga tagayaan beelahaasi.

Hadaba shacnbiga reer somaliland waxa u eeg inay fiiro gaara u yeeshaan siyaasiga iyo suldaanka hanaanka qabaliga ah walwaalanaya si ay uga samato baxaan khataraha horseedi kara burburka iyo isku dhaca, maadaamo markasta siyaasi dan leh oo jiidanaya madax dhaqameedka ku mamay laaluusha lagu fushanayo danaha gaarka ah.

Hadii aynu dib u yara jaleecno sooyaalka wakhtiyadii adkaa ee dibu dhiska qarankan iyo badwayntii uu soo dhex jubaaxay iyo waliba xiliyadii hub ka dhigiska, waxa uu xiligaasi hirdan adagi soo dhex maray siyaasiyiin hada dalka ku wada sugan, qoodhana iska eegaya kuwaas oo xiligaa qaarkood wadanka dibadiisa wax barasho0 u tagay halka qaar ka mid ahina ay dawladaha dariskeena mabdi’iyan kula ba biireen aragtidoo siyaasadeed oo ay ka falaagoobeen mabaadiida qaranimada iyo madax banaanida somaliland.

Madaxwaynaha haatan Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed kaahin iyagu ilaa xiligaa waxay ahaayeen gaashaanbuur siyaada ku ehel noqday iyo raga haatan aadka u doobinaya ee shirkii buurta gacan libaax qabtay, Mujaahid Axmed Mire Iyo Siyaasi Ismaaciil Buubaa iyadoon la garanayn inay wadaan aargoosi siyaasadeed balse taniyo wakhtigii Madaxwayne Biixi talada dalka loo dhaariyay ay bilaabeen Guux siyaasadeed oo ay ka dhex curiyeen beesha ay hayb ahaan ka soo jeedaan, iyadoon la saadaalin karin halka ay ku danbayn doonto curfigaa ay istaadheen.

Dhinaca kale suladaan xuseen xasan cali waraabe ayaa isagu isku xidhay silsiladna ka dhigay dagaaladii sokeeye ee 1994kii iyo shirka buurta gacan libaax isagoo sheegay in siyaasiyiinta uu mujaahid mire hor kacayaa ay wadaan xaalad la mida tii 94kii kana digay dabino loo maleegayo qaranimada somaliland kadib marka uu ku tilmaamay ujeedada shirkaa buurta gacan libaax inuu yahay hordhaca durbaano colaadeed oo horseedi kara markale in xaaladu ay noqoto tii dihaalka colaadeed ee somaliland beelaheeda mudada sanadada badan ahayn kala fogaysay.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews