marsanews.com
Suxufiyiinta Reer S/land Ee Warbahinta Dalka Ka Shaqeeya Ma Waxa Isaga Qaldan Qaranimada Iyo Mucaaridada Shaqsiga Ah
March 21, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Bahda qalin maalka ama tabinta wararka ee reer somaliland waxaad moodaa inay iskaga qaldantay qaranimadii iyo mucaaridadii shaqsiga ahayd amaba xukuumiga aynu nidhaahne.

Suxufiga waxa ka reeban oo aanu dhex ka noqon karin waxii kasta ee qarankiisa lidi ku ah, iyo waliba diintiisa, labadaasi arimodd ba waa mabaa’diida aasaasiga ah ee suxufiga u fasaxaya inuu qarankiisa iyo diintiisaba difaaco oo aanu dhex ka noqon lana wadaajin karin wax kale.

Mudooyinkan danbe waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo ka hawlgasha telifishanada dalka qaar ka mida oo aad moodo inay ka soo dhex waramayaa villa somaliya.

Tusaale.

Waxa aynu la wada soconaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 21/03/2020-ka ay garoonka diyaaradaha ee cigaal international airport soo degtay itobiya airline, islamarkaana shir jaraaid oo uu qabtay maareeyaha haayada duulista hawada somaliland isna uu sheegay in aan hawada somaliland cid la maamuli kartaa jirin.

Wariye ka mida warfidiyeenka telifishanada somaliland ayaa isagoo tabinaya shirka jaraaid ee maareeye rodol iyo waliba diyaarada itoobiya ee hargaysa soo fadhiisatay, ayuu warkii uu akhrinayay ku daray in arintani ay ku soo beegantay xili dawlada somaliya ay sheegtay inay laba cisho fasaxday diyaaradaha caalamiga ah ee dalka iminaya.

Hadaba wariyahaasi ma waxuu kala garan waayay dawlada somaliya ee warka soo saartay iyo somaliland inay laba dal kala yihiin mise dhinaciisa ayay hal dal isaga yihiin oo isagu waxa uu aaminsan yahay in somaliland ay somaliya ka mid tahay, mise waxan uu tabinayo ayuuna aqoonteedii lahayn, ileen warqada somaliya soo saartay iyo warka maareeyaha duulista somaliland iyo waliba diyaarada hargaysa ka soo degtay meel ay iska khusayn karaan ma jirtee, inanka inoo waramayaa ma waxuu ina leeyahay itoobiya diyaaradeedu waxay ku soo degtay hargaysa ogolaanshaha labada cisho ee somaliya sheegayso, bal idinba waa kaase fahma.

Waa sababta aan u odhan karno suxufiyiinta reer somaliland waxay kala garan la’yihiin qaranimadii iyo waxii laabtooda ka dhex guuxayay oo ah mucaaridada shaqsiyaysan ee aan ahayn mid garaadkoodu tusi karayo masuuliyada wararka ay tabinayaan ee umada la wadaagayaan culayska uu leeyahay iyo waajibaadka qaran ee wariyaha ka saaran qarankiisa xogaha uu ka gudbinayaa nooca ay yihiin.

Maamulka muqdisho ee ay caashaqsan yhiin dhalinyaradan microfonada la yaacaysa islamarkaana ay wararkooda somaliland la dirirka ah ay buunbuuninayaan waa meesha tahli kari wayday inay sugaan abniga shacbigooda dhibta iyo rafaadku u dhamaaday.

Mana ah kuwo mar qudha ka Hadla dhibaatada haysata dadka ku dhaqan muqdisho oo arki maysid maalin qudha iyagoo si daacad ah uga hadlaya ama u muujinayaba inay ka xunyihiin xaalada ay ku noolyihiin iyo umusha ku dhiig baxda waddooyinka xidhan ee xamar kadib marka lawaayo meel custbitaal loo mariyo, waa masuuliyiinta maamulka muqdisho ee yaryarka micrifoonada somaliland dhex sitaa ay u raxleeyaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews