marsanews.com
Tacadiga Iyo Gar-darada Ay Shirkada Sompower Ku Hayso Indho Birta + Ka Faaiidaysiga Awoodaha Dawliga Ah Ee Wasiir Jaamac
February 12, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Waxa mudo ba soo jiitamayay khilaaf ba’an oo u dhaxeeyay dhinacyada shirkadaha laydhka ka ganacsada ee Indho-birta iyo sompower, iyo sidoo kale gaafane, khilaafkaas oo xiliyada qaar sababay gacan ka hadal dhexmaray shaqaalaha shirkadahaasi, ayaa isagu salka ku haya, hirdanka iyo loolanka ay shirkaduhu ugu jiraan, laydh siinta shacbiga ku dhaqan caasimada hargaysa.

Waxa aynu la wada soconaa in ganacsiga dalku yahay mid xor ah oo muwaadiniintu u siman yihiin, balse mudooyinkan danbe ay shirkada sompower iyadu diidan tahay in laydhka caasimada hargaysa ay cid kale galiso ama bixisaba taasina ay tahay mid ay ka biyo diideen shirkadaha gaafane iyo indho birta, islamarkaana ay shirkada sompower iyadu kula kacdo labadaa shirkadood dirir joogto ah oo xiliyada qaar ay shaqaalaha sompower jarjaraanba xadhkaha laydhka ee shirkadaha kale gaar ahaan kuwa indho birta, arintaasi oo badiba shacbiga amakaag ku riday

Maalinimadii jimcihii aynu soo dhaafnay ayeey ahayd dhacdadii ugu danbaysay ee keenta gacan ka hadal, kadib markii shaqaalaha shirkada sompower ay weerar ku soo qaadeen shaqaalaha indho birta oo xadhko laydh galinaya meelo ay ka wadeen hawl maalmeedkoodii caadiga ahaa, kadibna sompower ay shaqaalaheedu damceen in ay jarjaraan xadhkahaa laydhka ee indho birta taasina ay keentay in labadii dhinac ee shaqaaluhu isku dhacaan,

Ciidamada Amaanka ayaa iyagu xabsiga u taxaabay  shaqaalaha labadan shirkadood ee isku dhaca gacan ka hadalka gaadhay dhexmaray, wallow shaqaalihii sompower markii danbe ay siidaysay xukuumada halka wali ay ka xidhan yihiin shaqaalihii shirkada laydhka ee indha birtu,

Talaabada ay xukuumadu ku sii daysay shaqaalihii shirkada sompower ayaa noqotay mid dareeno kala duwan abuurtay iyadoo marka horeba ay maamulka shirkada indha birtu tirsanayeen in lagu soo xadgudbay.

Dhanka kale talaabada lagu siidaayay shaqaalaha ka xidhaa sompower ayaa daaha ka fayday awoodaha shirkada sompower ay isticmaalayso oo ah, taageerada ay ka haysato wasiirka macdanta iyo tamarta oo isagu xukuumada uga masuul ah shirkadaha bixiya adeega laydhka, horena uga tirsanaa sompower, waana ta keentay in si khaldan ay u adeegsadaan awoodii xukuumada.

Shirkada Sompower oo isku halaynaysa taageerada ay ka haysato dawlada ayaa falal sharciga baalmarsan kula kacday shirkada dhigeeda ah ee Indha Birta taas oo bixisa adeega laydhka ee qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa.

shaqaalaha laga xidh xidhay shirkada Indha Birta ayaa ah laba qof halka shirkada Sompower-na laga xidhay laba ka mid ah shaqaalaheedii isku dayey inay xadhkaha gooyaan balse ciidanka dambi baadhista ay shuruud la,aan ku sii daayeen shaqaalihii Sompower halka kuwii Indha Birtuna ay wali dhibane ugu yihiin shirkadii soo weerartay ee dirirta keentay, balse sheegatay awoodaha dawliga ah ee wasiir jaamac oo isagu ah mid si qaldan ugu tagrifalaya masuuliyada qaranka uu u hayo.

Halkan ka daawo muuqal ka waramaya ama daaha ka rogaya wasiir jaamac iyo difaaca badheedhka ah ee sompower

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews