marsanews.com
Taxaneha Isbarbar-dhiga Qaar Ka Mida Siyaasiyiinta Kulmiye Iyo Waddan” Wax Ku Qaata Weeye Bal Qiyaasa Nimankaa?
August 28, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Anagoo si taxane ah idiinku soo tabin doono qormadan isbarbar-dhiga siyaasiyiinta xusbiyada Waddani Iyo Kulmiye oo habeenba qaar ka mida halkan aad ka arki doontan qoramadan oo aanu ugu yeedhno (Waxku qaata weeye bal qiyaasa nimankaa) ayaan qaybta koowad ee caawa idiinku soo gudbin doona hurintii u horaysay ee aan isbarbardhigno iyo waliba waxa inooga soo baxa.

Siyaasiyiinta xusbiga waddani ee sheega inay yihiin isbadal doon isla markaana ku tiraaba inuu dalku badbaado u baahan yahay oo ay kaw ka yihiin kuwa caawa halkan inoogu casuuman wax ka tilmaamidoodu kuwaas oo kala ah Ismaacil yare, Axmed jaambiir, iyo Maxamed faarax qabile, Sadexdan masuul ee ka tirsan bahwaynta xusbiga mucaaridka ah ee waddani waxa ay umada soo hortaagnaayeen oo masuuliyiin qaran u ahaayeen wakhtiyo badan oo dalka ay musuqmaasuq iyo tacdi ama xeer jabin intaba ay ka jirtay oo ay qayb ka ahaayeen, maaha wajiyo ku cusub shacbiga ama maaha siyaasiyiin umada maanta ka iibin kara kalmada isbadal iyo dalka badbaadadiisa, sababo badan awgood, ugu horayn iinsaanka waxa deeqaa waa cadaalada taasi ma yihiin rag xiliyadii ay wasaarada arimaha gudaha ka ariminayeen inyar oo cadaalada kuwo lagu arkay ama laguba tuhmi karayay? jawaabta suaasha shaqsi kasta oo sooyaalka taariikh siyaasadeedka masuuliyiintan tooshka ku shidaaba waa uu garanaya jawaabtaasi oo waa maya, Musuq-maasuqa halkay kaga jireen ayaa iyana suaal ah iswaydiin mudan taasina waxay ahayd dee sida Burciidaa, tacdiga iyo xadhiga sharci darada ah ama cabudhinta xoriyada hadalka ma ahaayeen kuwo ilaalin jiray, iyada taa haba sheegin oo heerka ay ku tagrifalka awooda dawliga ah ugu tacadiyi jireen waxa tusaalayaal fudud ah in mudadii uu xilka wasaarada arimaha gudaha joogay axmed jaambiir uu xadhigii ugu badnaa u gaystay wargayska jamuuriya oo dhacdooyinka xusida mudan ay kaw ka tahay sida Fadeexadii sigaarka Oo kale, Ismaaciil yare isna waxaabu ahaa wasiirkii xorunta xusbiga kulmiye weeraray isagoo awood ciidan oo gaadiid gaashaman wata isla markaana raadinayay idaacadii horyaal oo aan dalkaba oolin, Markaa mala odhan karaa maanta ayay umada ka iibin karaan khayaali iyo been ay ku af-gobaadsanayaan erayga isbadal.

Dhanka siyaasiyiinta xusbiga kulmiye ee caawa iyaguna qormadan macsuumka inoogu ah inaan tooshka ku qabanaa waa Jamaal cali xuseen, Pro. Axmed ismaaciil samatar, iyo aqoon-yahan Maxamed cali bile oo iyagu ah bahwaynta kulmiye isla markaana hormood ka ah aqoon-yahanka ama siyaasiyiinta ku xeeran musharaxa kulmiye iaygoo ah kuwa jaan-gooya inti-jaaha siyaasadeed ee uu xusbiga kulmiye markale ku baadi doonayo sidii uu gacanta ugu sii hayn lahaa hogaaminta talada dalka tiyoo haatan uu xusbigaasi barnaamujkiisi siyaasiga ahaa ee uu ku soo galay doorashadii hore uu fuliyay boqolkiiba sideetan in aan ku qiyaasi karno oo waliba intii ugu mihiimsanayd ay tahay kuwa uu fuliyay,  hadaba aan u soo noqono sadexdan masuul ama siyaasi, jamaal cali xuseen waxa uu musharax jagada madaxwayne ka raadiyay xusbiga ucid balse muran iyo khilaaf hadhiwaayay waxa ay noqotay in uu ka tanaasulo hankiisa iyo himiladiisana uu samir u yeesho oo ay farayso aqoonta iyo cilmiga uu ehelka u yahay, Prof. samater isagu waa  hoyga cilmiga iyo duublamaasiyada oo aqoon iyo horumar mooye ma jirto wax kale oo lagu tilmaansan karaa waayo waa aqoon-yahan inta badan aad maqashaan kiyoo odorasaya siyaasadaha caalamiga ah ee dunidan lagu hago markaa isagu waa ciyaar yahanka guusha kulmiye, Maxamed cali bile oo ahaa shaqaale qaramada midoobay ama UN ta kolba sidaad u taqaanan usoo shaqeeyay wakhti aad u badan isla markaana lagu tilmaansan karo inuu yahay aqoon yahan ku xeel-dheer habka iyo hanaanka maamul wanaag isla markaana qayb mihiima ka ah xusbiga kulmiye nidaamkiisa hogaamineed ee ay la shir imanayaan ayaa ah mid ay kuduugan tahay aqoon iyo karti uu ku gudan karo waajibaad kasta oo qarankiisa kaga soo hagaaga.

La socda qaybta 2aad ee qormadan iyo habeen danbe isha allah

Wrettin by cheif editor c/risaaq maxamed axmed

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews