marsanews.com
Tijaabada talaalka Covid-19 Oo Soo Gaartay Kenya
May 27, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Mid ka mid ah xarumaha cilmibaarista caafimaadka ee ugu waaweyn dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gacan ka geysaneyso tijaabada tallaalka cusub ee ay Jaamacadda Oxford usoo saartay cudurka Covid-19.

Magaalada Kilifi ee ku taalla gobolka Xeebta ee waddanka Kenya ayaa laga billaabi doonaa howlaha tijaabada tallaalka.

Mas’uuliyiinta xaruntan oo lagu magacaabo Kemri-Wellcome trust ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan diiwaan galinta 400 oo shaqaale caafimaad ah oo la filayo inay isu xilqaamaan ka qeyb qaadashada tijaabada.

Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeeray “tallaal dadka oo dhan anfaca”.

Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaareyaasha iyo seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba’an ku haya caalamka, ee Covid-19.

Mid ka mid ah kooxaha hoggaaminaya howsha raadinta tallaalka wuxuu saldhiggooda yahay Jaamacadda Oxford ee dalka UK – halkaasoo ay ka wadaan tijaabada dawada xalka u noqon karta cudurka oo lagu magacaabay ChAdOx1 nCoV-19 – taasoo lagu tijaabinayo in ka badan kun qof oo ku sugan UK.

Qalabka lagu baaro Corona
Image captionQalabka lagu baaro Corona

Hadda waxaa dadaalka kusoo biiray cilmibaareyaasha Kenya. Afarta boqol ee qof ee tijaabada isu xilqaamaya ayaa laga doonayaa inay da’dooda ka sarreyso 18 sano, ayna yihiin shaqaale caafimaad oo rasmi ah, kuna sugan magaalo xeebeedka Kilifi.

Waxaa jiray muran hareeyay fikradda ku saabsan in tallaalka cudurrada lagu tijaabiyo qaaradda Afrika, laakiin cilmibaareyaashu waxay sheegeen inay oggolaansho sharci ah raadin doonaan ka hor inta aysan tijaabada guda galin.

Maxaa muhiim ka dhigay in tallaaka fayraska karona lagu tijaabiyo Afrkaanka?

Waxaa jira sheekooyin dhawr ah oo cabsi ah oo la xiriira in tijaabooyinka tallaalka fayraska korona lagu sameeyo dadka ku sugan Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, saynisyahannada ayaa sheegaya inay muhiim tahay in Afrikaanku ay ka qayb qaataan tijaabooyinkan, iyagoo ku doodaya inay xagal daacin karto dadaallada lagu doonayo in lagu helo tallaal ka shaqeeya guud ahaan aduunka – oo aan u gaar aheyn dalalka hodonka ah.

Vaccine researcher
Image captionShaqada tallaalkan waxay billaabatay bishii january

Bishii Maarso, Tedros Adhanom Ghebreyesus, madaxa hay’adda caafimaadka aduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay “Tallaal mideysan” oo aduunku u helo balanqaadyada dawo loo helo Covid19, oo ah cudurka asiiba neefmareenka ee uu sababo fayraska Karona.

Maaddaamma aan la helin daawo ilaa iyo hadda, tallaal shaqeyn kara wuxuu door weyn ka qaadan lahaa ka hortagga iyo xakameynta cudurka,sida ay sheegtay WHO.

Tallaalka habka difaaca jirka ee dadka wuxuu bari lahaa in uu la dagaalamo fayraska si uu uga hortago inay bukoodaan.

Sidee u shaqeyaa tallaalku ?

  • Wuxuu ka caawiyaa inuu dhismo dhifaacu isagoo iska dhigaya caabuqa
  • Inuu ka caawiyo difaaca jirka in uu aqoonsado iyaga [caabuqa] uuna barto lana dagaalamo
  • Haddii ay noqoto in jirku uu soo galo mid rasmi ah, horey ayuu u ogsoonaa wuuna yaqaan waxa uu sameynayo
  • Tallaalku caadiyan wuxuu qaataa in la soo saaro sannado ama labataan sano

Tallaalka Covid-19 wuxuu ogolaanayaa in xayiraadaha la qaado si nabadgalyo ah, isla markaana laga nasto nidaamka kala dheeraanshaha bulshada Illaa iyo hadda tijaabada hal tallaal ayaa ka bilowday Koonfur Afrika – mid kalena ogolaanshihiisa ayaa laga filayaa Kenya.

Balse arintan waxaa hareeysay dood.

Inkastoo doodda mucaaradka ku ah nooc kasta oo ka mid ah talaallada aysan aheyn wax cusub, doodda hadda ka taagan Afrika waxay ku saleysan tahay isir-kala sooc.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews