marsanews.com
Waa Kuma Ismaaciil Yare Halkuu Se Kaga Jiraa Baadi-soocda Taariikhda S/land Maxaa Se Ka Qaylisiiyay?
August 5, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Umad kastaa waxay leedahay taariikh  baadi-sooc u ah oo hagta noloshooda kuna kala tilmaansadaan sida ay dadku ugu kala galad badan yihiin waayaha nolosha iyo kaalmaha ay ka soo qaateen hadba sooyaalka taariikheed ee la soo darsay.

 

Qormadan aan diirada ku saarayno Ismaacil yare qofka uu ahaa xiliyadii shacbigan reer somaliland la gumaadayay ee dilka dhaca iyo dhaqan xumada intaba aan looga tudhayn ee cadawgii siyaad bare iyo intii la hal-maalaysay ay siday rabaan ka yeelayeen umada, miyaanay taariikhdu xusayn inuu ismaacil yare horta naanaystiisu ahayd ismaacil faqash, hadayse ahayd maxay naanaystu ugu baxday waa suaal?

Ugu Horayn ismaacil yare waxa uu ahaa shaqaalaha dawlada hoose ee hargaysa waxay wada shaqayni ka dhaxaysay isaga iyo xubno kale ba NNS tii waxase uu ismaaciil yare caan ku ahaa gacan yaraha (Buule) Oo uu kala qayb qaatay ama uu uga hawlgalay dhacdooyin umadan dhexdeeda ugub ku ahayd oo ay ka mid ahaaayeen sida gabadhii uu awooda ku guursaday in uu ahaa shaqsiyaadkii gacanta ka gaystay. taasoo u sahashay inuu hanti badan oo dhul ah oo kuwa uu maanta sheeganayo ee uu waliba ku baanayo ay ahaayeen kuwo sida uu ku helay ay ahayd mid uu dhaafsanayay basaasnimada iyo arxandarada uu umadiisa ugu hawl fudaydinayay nidaamkii cadawga ahaa ee dalka haystay.

Xiligii halganka hubaysan SNM kula jirtay dawladii faqashta waxyaalaha ismaacil lagu xusuusto waxa ka mid ahaa inuu war-doonka cadawga ahaa isagoo ku matali jiray shaqaale dawlada hoose ah balse dadku ay aad u wada yaqaaneen oo layska ilaali jiray.

Markii gulufkii ba’anaa ee weeraradii ay SNM ku soo qaaday cadawgii dalka haystay isla markaana gudaha dalka sidii naf-hurka ahayd u soo gashay isla markaana dhamaan shacbigii somaliland ee magaalooyinka burco iyo hargaysa ba ay qoriga qaateen ee heeryadii cadawga layska dul-qaadayay ismaaciil yare waxa uu dhuumasho hargaysa kaga baxay kiyoo shaadir ama xijaab kolba kaad u taqaanan xidhan oo uu isku qarinayay sideedabana xijaabka waxa xidhaa waa dumar oo huga haweenka ayuu ka mid yahay waxaanay ahayd mid uu ugu talagalay in uu kaga samato-baxo SNM ta oo uu ka baqayay inay xaarajiyaan ileen warkiisu wuu cadaaye isla markaana isagoo  shaadirkii xidhan uu sidaa boorame ku tagay, hadaba bal waxa iswaydiin mudan waa maxay sababta u xidhay shaadirka ama uu la dhuumanayay hadaanu umadan danbi ka galin waa suaal? waxa iyana siwaydiin mudan waxa ka qaylisiiyay ee uu warbaahinta xiligan cayda, qadafka iyo afxumida ilaa heerka waalidka birma-gaydada ah ugu badheedhay? jawaabtu waa mid fudud oo waxa gubtay runta uu afhayeenka kulmiye maalin dhawayd sheegay in la hayo faylashii iyo sirihii ismaaciil, taasi oo ku noqotay laf-dhuunta u taagan isna leeyahay buuq iyo cay iskaga reeb laakiinse aan ku hadhay sidaas, tooshkana la dul hayo wax alaaliyo waxii uu umadan ka galabsaday.

Waxa iyaduna xusideeda mudan xiliga magaca ismaacil faqash uu ka hadhay oo uu noqday ismaacil yare wakhtigaas oo ahayd markii SNM dalka ay qabsatay heeryadii cadawgana ay umada ka dulqaaday ina soo sadqaysay kumanaan nafood oo dalkan iyo dadkan u shihiiday xornimadooda isla markaana somaliland lagaga dhawaaqay dib-ula soo noqoshadii madaxbanaanida somaliland kadibna loo dhaqaaqay dhankii dhisida dawladnimada taas iyo halgankaba uu muuse biixi ku leeyahay taariikh aan la hilmaami karin sidaana lagu yagleelay dhisidii dawladnimo isla markaana ismaaciil oo wali naanaaystii ismaaciil faqash ay ka hadhi ladahay se cariga ingiriiska jaadka ku iibiya uu dalka yimid tiyoo madaxwayne uu dalka ka yahay marxuum cigaal isla markaana uu wasiir ka dhigay taasina ay keentay in naanaystii uu caanka ku ahaa ay meesha ka baxday oo uu midhihii guusha SNM oo ahayd dawladnimadaasi ay u suurta galisay xitaa inay naanaystii xumayd ka reebto oo ismaacil yare loogu yeedho balse uuna garanayn galadaas ragii lahaa.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews