marsanews.com
Waa Maxay Sababta Afhayeenka Waddani Mr. Buubaa Ay Ugu Kala Duwan yihiin Cukuse Iyo Cadaani Oo Labaduba Kulmiye Ah, Af-xumada Se Waddani Ma Burji Baa u Qabtay
August 9, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Afhayeenka xusbiga mucaaridka ah ee Waddani Xilibaan Buubaa ayaa mar uu warbaahinta la hadlayay maanta si ka baxsan anshaxii iyo asluubta nidaamkii siyaasiga ahaa ee looga bartay axsaabta siyaasadu inay isaga jawaab celiyaan si ka baxsan warbaahinta uga weeraray wasiir cadaani kiyoo ka daba-socday hadal uu shalay wasiirku ka yidhi arinta golaha wakiilada doorashadoodii isagoo ku hadlayay afka xukuumada sheegayna waxii sida cadceeda u cadaa ee umadu maraga ka ahayd oo ah cugashada gudoomiyaha golaha wakiilada ee baashe loo doortay.

Afhayeen buubaa ayaa calaamad suaal hadalkiisa ay saaran tahay kadib markuu ku tiraabay weedho lala yaabay oo ay ka mid ahayeen cadaaniyow waxay ahayd inaad afsomaliga cukuse ka soo baratid taas oo ujeedadiisu ahayd siduu u dhigaayay hadalka inuu cukuse ka dhawaysanayay, waxaase moogan yahay inay cukuse iyo cadaani labaduba yihiin laba masuul oo golaha wasiirada xukumada silanyo ee uu durayay ka tirsan isla markaana ka mida xusbiga kulmiye oo ay yihiin laba nin oo miisan culus ku leh xukuumada iyo xusbiga ba.

Image result for afhayeen buubaa

Waxa xusid marka uu hadlayay xilibaan buubaa waxaad moodaysay inuu taagan yahay fagaare lagu jilayo hab-masrixiyeed ka duwan goob siyaasad lagaga hadlayo marka aad eegto sida uu isu lulayay iyadoo waliba afsomali la’aanta uu wasiir cadaani ku sheegayay uu isagu ahaa mid ka aradan luuqada siyaasada balse aad moodaysay nin maqaaxi laga shaahaynayo ka dhex murmaya oo hadalkiisa aad ka dheehanaysid iga dheh uun, waayo inta waxuu ka hadlay ee uu islahaa siduu sheegayay tusaalayaal ka dhig intuba se ay ahaayeen kuwo iswada burinaya oo aan midna khusayn meelna ka soo galin hadalkii wasiir cadaani ee shalay uu kaga hadlay golaha wakiilada, taasi waxay marag madoon u noqonaysa inuuna ahayn mid ka jawaabayay wasiir cadaani hadalkiisi, balse waxa uu ahaa mid kaliya u soo holaday inuu weerar ku qaado wasiir cadaani shaqsiyadiisa taas oo ay ku kaliftay xamilka uu xusbiga waddani u yeelan layahay weedhaha siyaasiga ah ee cadaani uu sida xeel-dheerida leh ugaga hadlo badiyaa marka uu warbaahinta ka hadlayo ee uu xusbiga waddani hoga-tusaalaynayo isla markaana difaacayo siyaasada iyo mabaadiida uu sida dhabta ah u aaminsan yahay, taasina ay tahay midka uu daarna jawaabta ka aradnayd anshaxa siyaasada, ee ahayd weerarka qaawan ee aan meelna ka soo galin siyaasad iyo wax u ehela toona.

Afhayeen buubaa iyo xusbiga waddani ee uu ka mid yahay ba waxaad mooda weerarka afka ah ee aan lahayn anshaxii siyaasada ee afxumida ahi inuu burji u qabtay oo xusbigii waddani masuulyiintiisa ay ku foogan yihiin uun shaqsi weerarka haday tahay afhayeen buubaa, ama ismaaciil yare, ama musharaxooga oo isagu halkii u saraysay ah isla markaana horjooge uu u yahay gabi ahaan ba xusbiga.

Arinta weerarka afka ah ee xusbiga waddani xiliyadan danbe caadaystay waxay marag u noqonaysaa ama ay tilmaan u tahay oo dadka siyaasada odorasaa ay ku sheegaan calaamadahaasi inay yihiin kuwa guul-darada siyaasada lagu tilmaansado waana dariiqa lagaga marin habaabo kasbashada cududaha taageero ee shacbiga, waxana anfaceeda yeesha dhigiisa ay sida qaawan u weerarayaan ee kulmiye oo hadal wal oo wadani masuuliyiinta kulmiye ku weeraraa uu noqonayo mid uu kulmiye iyo masuuliyiintiisu ka gaadhan guulo siyaasiya.

Wrettin by cheif editor c/risaaq maxamed axmed

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews