marsanews.com
Wadanka Ingiriiska Oo Safaaradii Uu Ku lahaa Muqdisho Guud Ahaan ba Ay Joojisay Adeegyadii Ay Bixin Jirtay Loona Badalay Nairobi Iyo Addis Ababa
November 14, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa(Marsanews) Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda UK ee magaalada Muqdisho aysan bixin karin adeegyada Qunsuliyadaha, iyadoona lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi.

Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xariiri karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.

UK ayaa go’aankan u sababeysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.Valueimpression Placeholder

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida hoteellada, munaasabadaha ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo meelaha kale ee bartilmaameedka u noqon kara kooxaha weerarrada geysta.

Sidoo kale waxay dowladdu intaasi ku dartay in gudaha Soomaaliya marka laga reebo magaalooyinka Somaliland ay inta kale ka dhici karaan khatar dhinaca afduubka ah, sida lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee ingiriiska.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews