marsanews.com
War Degdeg Ah’ Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka Sool Oo Goor-dhawayd Lagu Dilay Magaalada Laascaanood
March 16, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Allah ha u naxariistee waxa caawa fiidkii gudaha magaalada Laascaanood lagu dilay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gobolka Sool Cabdiqani Guhaad xilli uu ku sugnaa gurigiisii hortiisa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta gobolka iyo kuwa dawladda oo la xihdiidha Dilka Sarkaalkan, haseyeeshee, xogaha aanu ka helnay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in abbaaro Sagaalkii Fiidnimo ee Caawa koox Dabley ah oo aan la aqoonsanin ay Maarxuumka ku toogteen xilli uu ku sugnaa Gurigiisa hortiisa.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay magaalada Laascaanood, gacan-ku-dhiiglayaasha falkan ka geystay, ayaa la sheegay inay isla markiiba goobta ka baxsadeen oo aan la qabanin, balse ay ciidamada amaanku ee magaalada laascaanood ay goobta soo gaadheen xili ay gacan ku dhiiglayaashi baxsadeen.

Lama oga sababta dhab ah ee ka dambaysa dilka Sarkaalkan ka tirsan Ciidanka Sirdoonka dalka.

Inta badan magaalada Laascaanood waxa ka dhaca dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado masuuliyiinta dowladda ee ka hawl-gala gobolka Sool.

2-dii Bishan March, ayay ahayd markii sidan oo kale gudaha magaalada Lascaanood dil qorsheysan lagu khaarajiyey Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud Cumar oo walxaha qarxa loogu rakibay baabuurkii uu watay xilli uu ku sugnaa barxadda hore ee Hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews