Waraysi Lala Yeeshay Madaxwayne Biixi Ayuu Ku Sheegay In Guusha Lagu Gaadho Helista Kalsoonida Shacbiga
October 29, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Madaxweynaha jamuuriyada somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi oo uu dhawaan Hargeysa kula kulmay Michael Horton oo ah khabiir qormooyin kala duwan ku qora majalado dunida caan ka ah, ayaa warasi uu la yeeshay madaxwayne biixi ku waydiiyay suaalo dhawra.
Wuxuu sheegay inay Somaliland u baahan tahay mucaawino iyo lacag dayn ah, inkasta oo uu ka digay in lacagta mucaawinada ahi ay mararka qaar arrimaha qasto.
Madaxweyne Biixi ayuu Mr. Michael weydiiyay sida ay Somaliland ku gaadhay guulaha abni ee ay haysato, iyadoo dawladda Soomaaliya oo uu dalka Maraykanka iyo dalal kale malaayiin dollar ku maalgeliyeen ay ku fashilantay inay sugto ammaanka Muqdisho, waxaanu Madaxweyne Biixi ku jawaabay.