marsanews.com
Wargeyska African Business Week’ Muxu Ka Yidhi Socdaalkii Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Uu Ku Yimid S/land?
July 25, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, Md, Axmed Shide, ayaa booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland Arbacadii, waxaanay ka wada-hadleen Somaliland cilaaqaadka labada dal.

Sida uu daabacay Warsidaha East Africa Business Week, ee ka soo baxa Uganda, oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa lagu sheegay, in JSL ay u soo jeedisay Itoobiya iyo Masar inay dhex-dhexaadiso khilaafkooda la xidhiidha biyaha Webiga Niilka.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen masaalixda labada dal.

Warsidaha East Africa Business Week, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin xulafo aad iskugu dhow oo ku yaalla Geeska Afrika, waxaanu tilmaamay wargeysku in labada dal ay shuraako ku yihiin casriyeynta marsadda Berbera oo Itoobiya ku leedahay Saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban.

Waxa kale oo uu wargeysku tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka wada shaqeeyaan jidka dhererkiisu yahay 250Km oo isku xidhaya Berbera iyo magaalo xudduudeedka Wajaale, kaasi oo ay gacanta ku hayso dhismihiisa Hay’adda Abu Dhabi Fund ee dalka Imaaraadka Carabta.

wargeyska East Africa Business Week ayaa sidoo klae tilmaamay in ay Somaliland xidhiidh iskaashi la yeelatay dhawaan dalka Taiwan, kaas oo ay dawladda Shiinuhu ka xumaatay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews