marsanews.com
Wargeyska East African Business Week Oo Ka Faalooday Safarka Madaxwayne Biixi Ee Jabuuti
September 5, 2019 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa ka faalooday  Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu  ku tagay dalka Jabuuti.

Siday baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Warbixinta Wargeyska East African Business Week, oo ciwaankiisu ahaa “Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku tagay Jabuuti si uu kor ugu qaado cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada Waddan.”

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in booqashada madaxweyne Muuse Biixi ay ka dhalatay martiqaad uu ka helay dhigiisa Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu tilmaamay inay  wadajir uga xaajoonayaan arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo ganacsiga  dhinaca xeebaha.

Waxa kaloo  Wargeysku intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay ballaadhinayso marsaddeeda Berbera, halka dawladda Jabuutina ay kor u qaaday  dekedda Jabuuti.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland oo aan wali rasmi ahaan loo aqoonsani ay haddana cilaaqaad wanaagsan la leedahay dalalka la jaarka ah, gaar ahaan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in dalalka Somaliland iyo Jabuuti ay tusaale wanaagsan u yihiin soo jiidashada maalgashiga shisheeyaha iyo  martigelinta quwadaha millatariga adduunka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews