marsanews.com
Warqadii Dabdamiska Ahayd Ee Xoghayuhu u Qoray Laanta North America Oo Durtaba Inankii Sida Gaarka Ah Loo Cugtay Dagaal Ku Qaaday Xubnihii La Wada Doortay Iyo Mugdiga Laantaasi gashay
July 31, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(kaahnews) shalay ayay ahayd markii xarunta xusbigu soo saartay warqad awaamiirta ku qorani ay ahaayeen in aan la ridin gudoomiyihii xilku ka dhamaaday isla markaana khilaafkii ka taagna muda xileedkaa halkaa lagu soo afjaro iyadoo qoraalka warqadu dhigayay in gudoomiyaha xilkiisu dhamaaday aan la ridin ee isagu ahaado gudoomiyaha laanta isla markaana sidoo kale aan waxba laga badalin gudida fulinta oo wada shaqayntii la soo celiyo xubinkasta oo masuula oo hore loo doortayna sidaa ay ku shaqayso oo aan waxba laga badalin, balse haatan inanka sida gaarka ah loo boqray ee wax loogu xilanayo aan la garanayn uu markii ba bilaabay inuu xubnihii lahaa mudadaa kaa dhamaatay ee khilaafku dhex yaalay kana saxsanaa ileen gari alay taqaanaaye uu ku bilaabay inuu xilalkii ka qaado isagoo aan garanayn awoodaha uu leeyahay ama uu xil kaga qaadi karo ama qawaaniinta dhigaysa inuu samayn karo talaabooyinka uu xiligan ku kacay iyadoo maalin qudha laga joogo mudadii warqadaasi ay gaadhay.

Maaha wax lala yaabo waxa u carab laalaadiyay inankan casabad jahwareer la dhex joogta kulmiye oo uu kaw ka yahay inankii hungada musharaxnimada la ildaran ee ina cali xuseen oo isagu halka uu istaagaaba dhib iyo rabshad aanay ka bixin.

Inanka gudoomiyaha ay ku sheegen waxa uu sameeyay wax uu arkoonayo lana faray waliba inuu sameeyo waxase aanay kaba fiirsan cidan daaha-dabadiisa ka wadaa in aanay aqbali-doonin ragan uu leeyahay xilbaan ka qaaday oo aanay awoodihiisa ahayn hadiise kulmiye leeyahay uma baahnin dadkaas oo waxaan raaligalinaynaa inankan jahliga u ehelka ah iyada taasi waa baab gaara oo waa mid laga irdhoobi doono hadii ay wadayso oo habkii iyo nidaamkii maamul ee tognaa loo badalayo mid taban taasi waxa ay noqotaa natiijadeedu guul-daro riiq xun maaha macnuhu guul-daro kulmiye asiibi doonta waase mid ilaa taariikh xumo ka tagi doonta, waxase xusid mudan maanta oo wakhti kooban ka hadhsan yahay xiligii doorashada dadkan lagu ciyaarayo sidii kubadana ay yihiin dadkii xusbiyahanada ahaa in laga door bido inan si cad loo wada ogyahay halka u danbaysa ee uu u shaqeeyo oo ah xirsi hogaamiyaha waddani, haduuse kulmiye u haysto inuu gudoomiye uga yahay laanta waxaan filaya inuu garanayo oo laleeyahay waanu ognahaye faraha uga qaada idil ahaan ba xafiiskaa kulmiye ee north ameerica waddani haw shaqeeye, taasi waa mid muuqalka sawirka haatan muuqda aan laaxin laga jarayn oo waa halkay somalidu ka tidhaa kab iyo xaarkeed ba waa laysku tuura, markaa xaajada warqadii dabdamiska ahayd sidii loogu talagalay waa mid u shaqaysay laguna gaadhay hadafkii laga lahaa.

gabagabadii casabada maanta xarunta kulmiye dhex hoganaysaa ma mid muuse ridaysaa mise waa mid guul la doonaysa suaashasi waxaan u dhaafayaa ciday khusayso.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews