Wasiirkii Abniga Ee Maamul Goboleedka Jubaland Oo Ka Baxsaday Xabsigii Uu Ugu Xidhnaa Maamulka Farmaajo
January 28, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Taliye ku-xigeenka Booliska maamulka somaliya Jeneral Zakiya Xuseen ayaa barteeda Twitterka ku daabacday inuu ka baxsaday xabsigii uu ku xidhnaa Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan.
Gabadhan Taliye xigeenka ah ayaa sheegtay in ay ciidamada Ammaanka ee maamulka farmaajo ay ku raad joogaan wasiir Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday halkii uu ugu xidhnaa xukuumada maamulka somaliya, inkastoo aanay wax faaf-faahin ah ka bixinin qaabkii uu u baxsaday iyo cida u sahashay baxsigiisa toona
Wasiirkan xabsiga ka baxsaday ayaa la sheegayaa inuu ku xidhnaa guri ku dhaw xarunta sirdoonka ee NISA, kadib markii shan maalmood ka hor loo soo wareejiyey guriga, balse markii hore uu ku xidhnaan jiray xabsi ka mida jeelasha muqdisho.
Bishii August Sanadkii 2019 ayey aheyd markii Wasiirka abniga ee maamulka juboland Md, Janan laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, xiligaas oo uu safar ugu sii socday wadanka itoobiya.