marsanews.com
Weedhaha Xanafta Iyo Xumaha Xanbaarsan Ee Ka Soo Burqaday Gaboose Ma Kicin Dadwaynaa Mise Waa Xeelad Aynaan Garanayn
November 5, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Dr, Maxamed Cabdi Gaboose oo xiligii saaxada siyaasada ugu danbaysay ka mid ahaa kaadiriinta xisbiga mucaaridka ah waddani balse aan mudo badan lagu arag fagaarayaasha siyaasada ayaa maanta mar uu warbaahinta dalka la hadlayay ay afkiisa ka soo burqadeen weedho xumaan iyo xasad ba ay ku gadaanaayeen.

Gaboose oo mihnadiisa shaqo ay tahay dhakhtarnimo ayaay bulshadu la wada socotaa halka arxan li’idiisu marayso oo minqiyaas kuugu filan lacagta uu bukaan jiifka ka qaado, taasi oo aan ahayn mid qof damiir badqabaa uu ku jiro uu ka qaadi karo, laakiin gaboose isaga heerka arxan darada uu ka joogo uu wax ku daweeyo qiimo aanay awoodi karin, umadan uu hadalada naca iyo xumuhu hadheeyeen uu ku beer laxawsanayo waa kuwaa aanu uba tudhayne.

Dabcan suaasha meesha taala waxa weeye waa maxay sababta xiligan gaboose soo kicisay, maxaase ku kalifaya inuu dayro aan jirin sheego? waxa aan shaki ku jirin in ay jawaabta labadaa suaalood ba yihiin kuwo fudud oo badiba bulshada reer somaliland si fiican u fahmi karaan marka ay dhugtaan habdhaca hadalada uu ku tiraabayay oo ahaa kuwo iska horkeen iyo faqiiq bulshada dhexdeeda ah daaranaa oo waxa tusaale kuugu filan cali khaliif oo uu ku sheegay in bahdilaad lagula kacay taas oo aan meel ay ka dhacday iyo xili ay dhacday ba bulshadu iswaydiinayso jiritaankeedana aan lahayn balse gaboose uga dan-leeyahay kaliya inuu xiqdi iyo xumaan aan jirin bulshada dhex dhigo.

Waana astyaamaha caal-waaga maaha wax uguba oo wabidaba waxay dhacdaa xiliyada siyaasigu uu ku saaqido fahanka xigmada kasbashada shacbiga ee uu siyaasada iyo rabitaankeedaba dayro ka noqdo waa wax ay umada is yidhaahdaan ku soo jeediya quluubtooda waase mid guul-daro iyo faashil magansata saacad kasta.

Gaboose marka uu leeyahay hooyo barooranaysa iyo maati laga qaylisiinayo waxa uu hilmaansan yahay in isaga shaqsiyan ubadkiisi iyo hooyadii u dhashay ba uu ka oohiyay kana qaylisiiyay haatana aanu warkoodaba hayn, taas oo ku tusaysa marka qofku isleeyahay umad wax u sheeg inay mudan tahay in horta isagu waxuu tabinayo uu bari ka noqdo.

Gabagabadii shacbiga reer somaliland waa kuwo aan dhag jalaq u siinayn gaboose iyo inta la aragtida ah ee umada xumaanta dhex-wada, maxaa yeelay shacbigani waa dad bislaaday oo ka koray, siyaasi danihiisa ka dhex arki waayay xukuumada jirta inuu is yidhaa yaanay waxba hagaagin waana aragtiyaha taban ee garashada indhaw-araga ah ku jirta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews