Wiilkan da’da yar ayaa Mr. Jaale Saahid Faray oo ka mid ah dhallinyarada Gaashaamo, balse hadda Hargeysa ku sugan, wuxuu uga waramay sida uu u dilay shimbirka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan daba socdey geelayaga, waxaan maqley guux iyo sanqadh weyn.
Dabadeed si dhakhsi ahbaan geed hoostii u galey, cabbaar kaddib ayaan geedkii kasoo baxey, haddana waxaan isha qac ku siiyay bahalkii oo si degdeg ah baan ugu laabtey geedkii.
Qiyaastii shan goor markaan geedka ka hoos galey, ee aan haddana ka soo baxo markaan waayay ayaanu ugu danbayntii barxad bannaan iska helnay.
Wuxuu usoo duuley dhankayga isagoo labadiisa baal laabtey, jeenyihiisa iyo afkiisana soo dhuubey oo iska soo horreysiiyay, xawaare degdeg ahna ku duulaya.
Labadeyda gacmood baan ka buuxsadey dhabbigii, dabadeed waan u taagey intaan isula gaabiyay, labadiisii baal mid ka mid ah ayaan kala helay oo nasiib wanaag mid ka mid ah way jabtey.
Dhulka markuu u dhacey baan la dul taggey budkii, isagoo dhaawac ah ayuu kolba isku dayaa inuu igu soo boodo oo uu i sigaa kolba. Ugu danbeyntii waxaan budkii la dhacaba wuu dhintay.”
Wiilkii hadda waxuu ku suganyahey degmadda oo dadka deegaanka ayaa xoolo u ururinaya, sidoo kalena waxaa la sheegayaa in ganacsatada qaar ugu ballaan qaadeen geel inay siinayaan.
Hooyadii uu shimbirkani wiilkeeda cuney maaalintii hore oo hore u aragtay, ayaa shalay la tusay, waxaanay sheegtay in bahalku yahay kii ay hore u aragtay.
Dadka aqoonta u leh ayaa shimbirkan ku sheegay Baqayo oo ah Bah-galeydh..