marsanews.com
Xagal-daaca Siyaasada Xisbiga Waddani Waxa Tusaale Kuugu Filan Qorshe La’aanta Iyo Cayda Ama Isku Dayga Kicinta Bulshada
October 31, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo isagu ah xisbi saaxada siyaasada ku cusub oo ah xisbiga ugu da’da yar axsaabta qaranka, balse ay ka dhex muuqdan wajiyo dhawr ah oo hore saaxada siyaasada ka dhex muuqan jiray, inkastoo aanay shaqsiyaadkaasi wax awood ah aanay ku dhex lahayn, oo badiba awoodaha xisbigaasi ku urursan yihiin cid gaara oo aan lahayn khibradii iyo siyaasadii hufnayd ee lagu yaqaanay hirgalinta hawlaha xisbiga, oo ay yihiin kuwo cugasho qabaliya ku hantay talada xisbiga, sida xoghayaha da’da yar iyo gudoomiyaha golaha dhexe, iyo waliba hebelo kale oo daaha-dabadiisa fadhiya oo intaasiba ay yihiin kuwo xisbiga u yeelay astaan kale oo bulshadu badiba ka biyo-diido.

Halka qaar kale oo iyagu aan saamayn badan ku lahayn xisbiga balse isu yaqaana inay yihiin raga dirawaliya ee xisbigaba mayalka u haya, ay ku urursan yihiin ama ka dhex dagaalamaan mafaariishta qaadka oo iyaga kuwaasi waxoogu aanay dhaafsiisnayn makhsinka ay fadhiyaan dhexdiisa oo ay ka dhex caytamaan iskuna dayaan inay qayb ka noqdaan kicinta bulshada iyagoo badiba adeegsada isticmaalka tilifoonka, balse aanay wax aragti togan ah ama xeelad siyaasadeed oo ay cudud taageero ugu keenan xisbiga aanay lahayn.

Inkastoo iyagu ay aaminsan yihiin inay kasbashada shacbigu ku imanayso cayda qolka qayilaada lala dhexfadhiyo, iyo isticmaalka tilifoonka, ileen waa rag isbidaya inay yihiin siri-daaligii xisbigee, ismacaashiintaasina waxa badiba ku dhaliya kadib marka gudoomiye ciro ama xisbigu uu magaacabayo gudiyada xisbiga dhexdiisa, haday tahay gudidii qaban qaabada iyo haday tahay gudiyada kaleba ayaa lagaga daraa midh iyo laba taasaana keenta inay aaminaan inay yihiin lafdhabartii xisbiga, hadiiba xitaa ay noqon lahaayeena uu markasta xisbigu yahay mid xagal-daac siyaasadeed magansaday oo dad xumo la taagtaran.

Xisbiga waddani waxa looga baahnaa inuu la yimaado saaxada siyaasad hufan oo aan lahayn xanaf iyo xiqdi midnaba, balse uu fahmo godka shaxda laga dagayo, oo ah mid ay umadu ugu soo joogsan karto, laakiin labada fagaare ee microfoonka iyo majliska qayilaada ee labadaba cayda iyo afxumada uun ay kaga tiraabaan, ma noqonayo mid ay abid ku kasban karaan quluubta shacbiga oo iyadu ah mid bislaatay oo kaliya ay marayso qorshe cad oo siyaasadeed kana dhex arki karaan rabitaankooda iyo ilaalinta masayrkooda, taasna waa mid aanu uba faadhumaysan waddani oo aanu garanayn ba minqiyaaska bulshada, waxaana ugu wacan badiba jilayaasha siyaasadeed ee xisbigaa waddani oo ah intii nac iyo uurxumadu ku fogaatay oo aan lahayn fahankii bulshadu ay wax kaga iibin ;lahaayeen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews