Xarunta Shaqaalaha Qaramada Midoobay Ee Muqdisho Oo Maanta Madaafiic Lagu Garaacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
October 13, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa(Marsanews) Madaafiic darandoori ah ayaa maanta lagu weeraray xarunta xalene ee ay dagan yihiin shaqaalaha Amisom iyo kuwa qaramada midoobay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in lix madfac oo hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xarunta Xalane, oo ah halka ay degan yihiin Amisom iyo QM, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane.
Madaafiicdaas ayay ku dhinteen laba qof oo ah Soomaali, cisbitaalkaa u doontay adeeg caafimaad, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaa madaaficda ayay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada Amisom.Valueimpression Placeholder.
Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gaboodka ah, si ay uga bad-baadaan weerarka madaafiicda.