marsanews.com
Xilka Qaadista Naasir Cali Shire Waxa Loogu Quus-gooyay Xildhibaan Danbe Oo Tooshka Ku Qabta Shirkada Dahabshiil
August 19, 2018 - Written by editor marsan

Waxaan Shalayto Yeelaan Maantana La Yaabaa

Hargaisa:(Marsanews) Dhacdooyinka mahadhada leh ee xusuusta quluubta shacbiga reer somaliland raadka kaga taga waxa ka mida tan shirkada dahabshiil loogu sadqeeyay xildhibaanda naasir cali shire.

Waa Masalo ugub ah oo markaliya dhagaha shacbiga ku soo dhacday in xildhibaan gudanayay waajibaadkii qaranka ka saarna in lagu danbi laga dhigo, taas lidigeediina raaligalin laga bixiyo.

Xildhibaan Naasir Cali Shire waxa uu ahaa gudoomiyaha gudi hoosadka dabagalka hantida qaranka waxa uu mudooyinkan danbe oo dhan ku fooganaa soo bandhigida musuqmaasuqii dhacay tagtadii la soo dhaafay ee dalka ay ka ariminaysay xukuumadii madaxwayne silanyo, islamarkaana waxa tiroba dhawr jeer uu bulshada la wadaagay dhacdooyin musuq oo ay galeen qaar ka mida masuuliyiintii xukuumadaasi hore ee kulmiye iyo waliba shirkado ganacsi oo qayb ka ahaa hantidaa umada ee sifaha qaldan looga faaiidaystay.

Shirkadaha uu bulshada u iftiimiyay hantida kaga maqan waxa ka mid ahaa shirkada wayn ee caanka ah ee Dahabshiil oo iyadu ah mid xukuumadaha xusbiga kulmiye iyo siyaasadoodaba saamayn wayn ku leh, xiliyada qaarna aad isba odhanaysid Curinta iyo hal-abuurka habka musuqa waxaabay ugu igmantay xukuumadahan ay jaangoynta hogaaminta talada kula wadaagto.

Golaha wakiilada oo xiliyadan danbe dhaqdhaqaaqa kaliya ee umadu ugu soo yara joogsatay uu ahaa gudidaas baadhista musuqa samaysay ee sida cadceeda u iftiimisay meelihii dunuubta galay ayaa natiijadii hawlgaladoodu ku soo biya shubtay in gudoomiyihii gudidaas xilhibaan naasir loogu sadqeeyo shirkada dahabshiil ee uu sheegay hantida ku maqan, tiyoo waliba aanu rubuc na aanay ka ahayn shirkadaasi waxay hanti dalka ka qabto ayaa hadana intaasi yar ee uu ka xusay ay galaafatay xilkii uu golaha ka hayay umadana kula wadaagayay baadhista uu mid kasta daliilkeeda soo bandhigay.

Waxa aynu la wada soconay in intii hore oo dhan Xildhibaan naasir lagu baarigayay hawsha uu wado marii se uu dahabshiil uu soo hadal qaaday ayuu gudoomiyaha golaha Md, Baashe Xaal la soo fadhiistay warbaahinta, waxse ku xigayna maxuu noqday? In xildhibaan Naasir laagu quus gooyo xildhibaan danbe oo magaca shirkadaasi afka kaga dhaco, taas oo rayul-caamku aragtiyo kala duwan ay ka bixiyeen balse ujeedo ahaan isaga mida oo dhinac ay ka wada istaageen kana muujiyeen dayro odhanaysa ku quuso qudhaanjoy.

Xukuumada xusbiga kulmiye ee haatan madaxwayne biixi gadhwadeenka ka yahay ma odhan karnaa arinta dhanbay ka tahay oo way ku wehelinaysay raaligalintii gudoomiye baashe iyo waliba talaabadan xilka lagaga qaaday xildhibaanka? jawaabta suaashaasi waa mid muuqalka ay leedahay ama sawirka aad ka arki kartaa yahay Haa, waxase suaal mudan la dagaalankii musuqmaasuqa iyo odhaahyadii madaxwayne biixi ma odhan karnaa waxay ahayd Waxaan shalayto yeelaan maantana la yaabaa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews