marsanews.com
Xirsi Oo Mudo Dheer Kadib Helay Halkii Uu Ka Gudbin Lahaa Falsafad Wakhti Badan Uu u Meel La’aa..
November 27, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Xirsi Cali Xaaji Xasan Waa nin da’yar, run ahaantiina ku dhiiran hadba waxa ay doonistiisu tahay, dadka yaqaana waxa ay ku sheegaan inuu yahay shaqsi runta ku fiican oo aan beenta aqoon.

Waa nin gaaban, oo aad u firfircoon hadba halka uu joogana jecel inuu ka dhex muuqdo hormoodna ka noqdo kolba hawsha lagu jiro, xirsi waxa bulshada magaciisa iyo aqoontiisa ugu horaysay ama saaxada lagu arkay waxay ahayd 2008-dii wakhtii silanyo uu ka dhigay xubinta gudida doorashooyinka u matalaysay xisbiga kulmiye , wallow aanu xilkaasi mudo dheer joogin oo uu wakhti kooban gudihii iskaga casilay xilkaasi.

Wakhtigaa uu xirsi iska casilay xubinimda komishanka doorashooyinka ayaamo kadib waxa uu ku kacay oo uu bilaabay falal ka dhan ah abniga dalka, taas oo keentay in xiligaa xabsiga loo taxaabo, kadib markii uu gaadhi qori saaray inta uu kurka gooyay, xiligaa waxa xusid mudan hadal uu wasiirkii arimaha gudaha ee xukuumadii riyaale ka sheegay idaacada BBC-da oo ahaa mid uu ku cadaynayay sababta xadhiga xirsi, islamarkaana uu wasiir cabdilaahi ciro ku sifeeyay inuu ahaa xubin ka mida kooxa xagjirka ah.

Dabcan qormadan oo iyadu ah mid si qoto dheer u soo daraasaysay ujeedooyinka iyo falsafadaha uu u meel la’aa xirsi haatan se uu u helay goobtii uu ka gudbin lahaa ayaa ah mid hordhac u ah xogo badan oo aanu idin la wadaagi doono, daahana ka faydi doona xaqiiqooyinka dhabta ah ee xirsi uu horayso iyo danbaysaba ku hawlanaa kuwaas oo ah kuwo ka fog somaliland iyo jiritaankeeda, iyo guud ahaan ba xasiloonida nolosha caadiga ah.

Hordhaca qormadan oo aanu intaa kaga gudbi doono, waxaanu si taxane ah idiin la wadaagi doona oo qaybta 1aad aad kala socotaan Marsanews.com

Qormadan oo taxane noqon doonta oo si joogto ah aanu idiinku soo bandhigi doono xaqiiqooyin jira.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews