marsanews.com
Xisbiga Waddani Kacdoonka Shacbi Ee Uu Ku Baaqay Miyaan La Odhan Karin Waa Mid Xasiloonida Dalka Lagu Wiiqayo? Mase Qaadi-karaa Masuuliyada Khasaaraha Ka Dhasha
October 30, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo Kacdoon Shacabku kaga soo horjeedaan Xukuumadda haysa Talada Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo lagu waraystay Barnaamijka Hal-adayg ee Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in xilligan Somaliland ay ka jirto xaalad Adag oo dhanka nolosha ah iyo mid dhanka Maamulka ah, sidaasi darteed uu Xisbigu diyaar u yahay inuu hoggaamiyo Kacdoon dadweyne.

Xoghayaha Waddani oo Arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi Xisbigu wuxuu diyaar u yahay inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo. Kacdoonkaa Shacabkuna wuu bisil yahay, waana diyaar, Xisbiguna waa u diyaar inuu Kacdoon Shacab hoggaamiyo.

Xoghayaha oo Telefiishanka HCTV waydiiyey in Xisbiga Waddani qaadi karo Masuuliyadda wixii khasaare ah ama dhibaato ah ee ka yimaadda Kacdoonku uu sheegay in Shacabku u bisil yahay inay dhigaan, ayaa ku jawaabay “Masuuliyaddeeda waxaanu qaadaynaa inta aanu ku leenahay, Dadku markay soo baxaan ee ay halkaa soo istaagaan, Askariga Xabadda ku rida ayaa Masuuliyaddooda qaadaya iyo ka amarka soo siiya ayaa qaadaya Masuuliyadda wixii ka yimaadda, Dadkuna Xaq bay leeyihiin inay (Dibed-baxa), askarigana Xaq uma laha inuu Xabad ku rido.” ayuu yidhi.

Lama odhan karo Waddani iyo xisbi mucaarid oo kaleba waa ay qaadi karaan masuuliyadda nabadgelyo-darro ka dhalata kacdoon shacabka iyo dawladda layskaga horkeeno, sida uu ku doodayo xisbiga Waddani, waxaana la odhan karaa siyaasadda xisbiga waddani ka leeyahay kacdoon shacab oo wakhtigan yimaada, mid uu is leeyahay (awrka ku kiciso) oo ay doonayaan inay kaga faa’ideystaan loollankooda ku aaddan hoggaaminta talada dalka ee ay quudaraynayaan.

Wallow aanay xiligan arimaha noocaas ah ee ay ku hamiyayaan ahayn kuwo bulshada ka suurta gasha maadaamo aanay jirin duruufo ku kalifi-kara dadwaynuhu inay sameeyaan kacdoono noloshooda iyo abnigoodaba wax u dhimaya, waayo? shacbiga reer somaliland way bislaadeen oo way ka koreen hadba siyaasi dana gaara wata oo ku beer laxawsada wax aan soconayn.

Dhanka kalena waxaad mooda xoghayaha waddani oo isagu ah wiil da’yar oo aan waayo-arag u ahayn siyaasada iyo somaliland ba oo aan garanayn bulshadani duruufihii iyo waayihii adkaa ee ay ka soo gudbeen, taasina ay marag u tahay sida yar ee sahlan ee uu isaga leeyahay kacdoon shacbi baanu hogaaminaynaa, taasi waxay ku tusaysaa col-moognimadiisa iyo fahan darada ka haysata umadan.

Hadaba Haddii aynu eegno oo tiisa ba u raacno yarkan oo ay ba dhacdo waxan uu khadar yare ka hadlayo, wixii ka dhasha ee dhibaato ah, miyaanay noqoinayn mid ay masuuliyadeeda koowaad qaadi doonaan xisbiga waddani, intaa se yarkani ma garanayaa.

Gabagabadii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa isagu dardargaliyay siyaasad mucaaridnimo oo dhanka burburka u badan, taniyo markii xukunka talada dalka lagaga guulaystay muddo haatan laga joogo labo sano, doorashadii November 2017 dalka ka qabsoontay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews