marsanews.com
Xoghayaha Guud Ee Waqooyiga Ameerika Xusbiga Kulmiye Oo Mahadnaq u Diray Gudidii Toronto Iyo Afhayeenkii Guud Ee Waqooyiga Amerika Ee Dhawaan Xilalkii Ay Hayeen Ka Tanaasulay
August 10, 2017 - Written by editor marsan
Hargaisa:(Marsanews) Xoghaya guud ee laanta waqooyiga ameerika ee xusbiga kulmiye marwo. saamiya fiishar ayaa ugu horay mahadnaq u soo jeedisay gudidii toronto xusbiga kulmiye iyo afhayeenkii guud ee waqooyiga amrrika ee dhawaan xilalkii ay xusbiga u hayeen iska casilay, iyagoo ahaa xubno taariikhda xusbiga kulmiye kaga qoran baal-dahaba isla markaana ahaa dad karti, aqoon, iyo firfir-cooni rabi ku galaday oo ay daacadnimo u dheer tahay ay xusbiga ugu hawlgali jireen marwalbana ahaa xubno aanu xusbiga kulmiye ilaawi karin wax qabadkoodii iyo waliba sida tudhaalaha leh ee ay uga door-bideen wax kastaba jiritaanka xusbiga laantiisa waqooyiga ameerika.
Iyagoo ay la noqon wayday inay sii dugsadaan khilaafadkii jiray isla markaana dan u arkay inay soo afjaraan khilaafkaa oo ay baneeyaan xilalkii ay xusbiga halkaa uga hayeen maadaamo xusbiga kulmiye ay tahay sunahiisa in markasta tanaasulaadku noqdo midka uu caanka ku yahay xusbinimaduna ay ku xidhan tahay, iyadoo ujeedo qudha laga wada duulayo taasina ay noqotay mid xubnahaasi uu xusbiga kulmiye galad ugu hayo.
Hadaba anigoo ah xoghayihii guud ee xusbiga kulmiye Ee waqooyiga ameerika waxaan bogaadintaydan uga gol-leeyahay waa wakhtigii qaaliga ahaa ee aanu xubnahaa soo wada shaqaynay oo ah mid aan la hilmaami karin, iyo waliba sida aan kor ku soo xusay ee ah sida tudhaalaha leh ee lexejeclada xusbinimo ay u muujiyeen ugana door-bideen inay iyagu noqdaan kuwo ku guulaysta daminta khilaafka oo la noqotay mid ku xidhan iscasilaadooda kana run sheegeen macnaha iyo xigmada ay xusbiga kulmiye ku matalayeen, taasi oo ah hal-bawlaha dimuqraadiyada iyo mabaadiida siyaasada aynu ku wada hawlgalno.
Waxa aan ku soo gunaanadayaa dhamaan xubanahaas oo aan leeyahay hambalyo iyo bogaadin gudoon wacan iyo waliba xusbigi kulmiye oo aynu gabi ahaan ba u wada hawlgalno inagoo ka duulayna ujeedada siyaasada guud ee xisbiga aynu nahay bahwayntiisi wakhtiga badana ku soo wada qaadanay, isla markaana mudan inuu qofkastaaba halkii kaga soo hagaagta uu hasha xusbiga ka sii wado.
Allaa mahadle.
Xoghaya guud ee kulmiye Waqooyiga ameerika.
Marwo’ Saamiya Fiishar
Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews