marsanews.com
Xukumadu Ma Iyadaa Ka Raaliya Wararka Iyo Barnamujyada S/land ka Dhanka Ah Ee Ay Baahiyaan Universal Tv & Idaacada BBC-du
March 19, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Warbaahinta heeganka ugu jirta tabinta beenta iyo borogogaandada ka dhanka ah somaliland ma noqon karaan kuwo guulaysta oo gaadha ujeedada ay leeyihiin iyo falsafadaha ay walwaalayaan ee ay rabaan inay bulshada ku dhaga barjeeyaan.

Telifishanka Universal, ee xaruntiisu tahay muqdisho, studio-yada kalena ku leh dalal yurub ku yaal iyo waliba magaalo madaxda somaliland ee hargaysa, waxa caado u noqotay oo aanu qarsan ba dagaalka qaaawan ee afka ah kuna hayo somaliland.

Baahinta wararka ama barnaamujyadu waxa ay u baahan yihiin masuuliyad culus oo ay ka dhex muuqato sugnaanshaha waxa aad baahinayso, taasi oo sunaheedu yahay laba arin oo kala ah, in warka aad fidinaysaa yahay mid xaqiiqa oo jiritaankiisu sugan yahay, iyo qodobka kale oo ah dhexdhexaadnimo loo baahan yahay in wararka iyo barnaamujyada aad iyagana baahinaysaa ay noqdaan kuwo laga dhex arki karo dhexdhexaadnimo, markaas ayaa la odhan karaa waa warbaahin la dhagaysan karo.

Universal tv labadaasi qodob midna ma laha, mana odhan karno waa ka aqoon la’aan balse waxaan shaki ku jirin inay ka tahay badheedh oo waxoogu waaba qaawan yahay oo si toosa ayay dirir iyo colaadba u muujiyaan oo qadiyada madaxbanaanida iyo xasiloonida qaranimada somaliland ay duulaan ugu yihiin.

Waxa iswaydiin mudan xukuumada somaliland gaar ahaan wasaarada warfaafintu sababta ay dalka uga saari ladahay ee ay ugu daawanayso umada, waxa iyana aan la hilmaami karin madaxwayne biixi oo ah hogaamiyaha dalka waxa uu talaabo uga qaadi la’yahay telifishankan muqdisho u adeega ee hadana hargaysa ka dhex waramaya kuna leh xafiisyada waa universal tv-ye waxa iyana bulshadu karah ka joogta idaacada BBC-da oo la nooca tv-gan labadaasi wakaaladood ee wararka beenta ah iyo barnaamujyada somaliland lagula dagaalamaya sida tooska ah u baahiyaba waxay xafiisyadoodu ka furan yihiin hargaysa.

Shacbiga reer somaliland waxa ka go’an hadii xukuumadu talaabo ka qaadi waydo oo ay sidaa raali kaga tahay in bulshadu ay xafiisyadoodaa albaabada u laabi doonaan oo aan la arki doonin wariye iyo kamaradiisa oo hargaysa ama somaliland ba wax ka dhex diraysa kana hawlgalaysa.

Xukuumada waxa ka mida waajibaadka shaqo ee umadu uga baahan tahay inay dhawrto xaqa iyo xuquuqda sumcada iyo karaamada qaranka somaliland oo cidii wal ee xadgudub kula kacdaba inay talaabada ku haboon ka qaadato, hadii taasi laga waayana in iyada lafteeda bulshadu ka tashan doonto una tashan doonto cidii rabitaanka umada ku shaqaynaysa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews