Xukuumada Farmaajo oo ku Fashilantay Maamulka Hawada Dalkeeda & QM oo laga yaabo inay dib u La Noqdaan
January 7, 2020 - Written by editor marsan
Maamulka Soomaaliya ayaa walaac ka qaba in mar kale lagala laabto Maamulka Hawada ee Sooomaaliya.
Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo saddon sano kadib ku guuleysatay inay la soo Wareegto Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa wal wal ka qabta in mar kale dib loogala wareego maamulka Hawada.
Axmed Macalin Xasan, oo ah Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Maamulka hawada lagala noqon doono hadaan si deg deg ah loo ansixin sharciga Duulista Rayidka
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa Xusay in shirciga duulista rayidka ay wax badan kaga Xidhanyahay howlaha hay’adda duulista waxaanu yidhi.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Shacabka 4-tii bishan ay meel mariyeen sharciga Duulista rayidka ee Hawada, waxaana uu Xildhibaananda Golaha Aqalka Sare ka codsaday inay sharciga Ansixiyaan, maadaama uu muhiimad gaar ah u leeyahay guud ahaan Soomaaliya.
Waxaanu tilmamay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay hadda soo saartay 22 milyan, haddii sharciga la ansixiyana ay soo saari doonto ku dhawaad 50 milyan oo doolarka Mareykanka.