marsanews.com
Xukuumada Madaxwayne Biixi Weerarada Iclaamka Ee Somaliya Ay Ku Hayso S/land Ma Awood Bay u Wayday Mise Waa Ka Aqoon-daro
March 21, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Waxa hadh iyo habeen warbaahinta noocyadeeda kala duwan ka socda dacaayado iyo warar beena oo ay maamulka farmaajo kula dirirayaan somaliland iyo madax banaanideeda, taasi oo ay u isticmaalaan warbaahin ay uga hawlgalaan warfidiyeeno farabadan oo dalka iyo dibadaba ku sugan.

Iclaamka, ama wararka iyo baahintoodu waa dagaalka ugu halista badan ee waliba difaaciisuna u baahan yahay mid dhigiisa ah oo lagaga hortago wararka beenta iyo borobogaandada ah ee bulshada reer somaliland lagu niyad jabinayo, dhagahoodana sida dhibica roobka loogu soo hurgufayo waxkasta oo huq iyo hagardaamo xanbaarsan oo dhiilo ah.

Maamulka farmaajo waxa uu lacagta ugu badan ku bixiyaa sidii uu warar aan jirin ugu khalkhal galin lahaa xasiloonida shacbiga reer somaliland, waxaanu leeyahay dhalinyaro tiro badan oo badhkood baraha bulshada uga hawlgalaan iyo kuwo kale oo warbaahinta maxaliga ah ee somaliland gudaheeda ka hawlgasha ka shaqeeya oo iyagu ku lacag qaata waxii wal ee la soo faro, taasina ay bulshadii nabada iyo badhaadhaha ku jirtay shaki badan galiso, oo jiheeyaha ka lumiya.

Duluucda qormadan oo ah mid aan uga go’leeyahay in aan wax ka ogaano sababaha dhabta ah ee xukuumada madaxwayne biixi ay gaabiska uga tahay dhanka iclaamka iyo ka hortagista wararka beenta ah ee maamulka farmaajo ka fidiyo somaliland, ayaan malahayga isleeyahay ma jirto ogaal la’aan xukuumada ka haysata arintan ee waxa ay ka tahay mid aanay danaynayn oo aan agteeda macno badan ka lahayn, waayo? hadii ay danaynayso waxa ay haysataa khuburadii ama suxufiyiintii ugu ruugcadaasanaa ee saacad kasta soo saari karayay barnaamujyo iyo warar quluubta shacbigan dhaga-barjaysan culi lahaa oo waxkasta oo farmaajaysana ka dhigi lahaa hal bacaad lagu lisay.

Mise waxaynu nidhaahna iclaamka iyo isticmaalkiisu isna wuu handaraaban yahay oo waxaabay isleedahay xukuumadu dhaqaale ayaa looga baahanayaa la galiyo, hada waxa ku filaan ba lahaa in ta warfaafinta u shaqaysa oo barahooda bulshada si togan looga hawlgaliyo, inkastoo ay wadaniyaduba inay farto ay ahayd oo ay iyaguba iska xil saaran hadana kolayba qofku waxa uu u baahdaa dhiirigalin iyo ogaalka waxkasta oo uu qabanayo, taasi oo sii kordhisa halbeegna u noqota yoolka uu ka duulayo oo ah ka lagu dhiirigaliyo.

Si kastoo ay tahay ba sabankan la joogo waxa lagu kala horumaray oo lagu kala adkaadaa waa iclmaaka iyo hadba sida loo adeegsado, kaasi ayaana sahla in kasbashada quluubta umada loo go’leeyahay si sahlan loo hantiyo, kadib marka dhagahooda iyo indhahoodaba laga badiyo indho-sarcaadka aan jiritaankiisu xaqiiqda ahayn balse marka lagu celceliyo wax beeniyana ay waayaan aakhirka run noqda oo beentii ay u rumowdo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews