marsanews.com
Xukuumadda Oo Bogaadisay Khudbad Uu Guddoomiyaha Waddani Ka Jeediyey Sweden & Farriinta Ku Ladhnayd Oo Ay Soo Dhawaysay
May 30, 2018 - Written by editor marsan

Waxaan Aad U Soo Dhawaynayaa Hadallo Uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Habeen Dhawayd Jeediyey, Hadalladaas Oo Aan Rajaynayo In Ay Gasho Quluubta Reer Somaliland

Hargaisa:(Marsanews) Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa Ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore ku wareejiyay Deeq dawooyin iyo gaadiidka shaaximan ee Cisbitaalka wareega isugu jira.

Safarkan wasiirku ku tagay Deegaanka Tukaraq waxa ku wehelinayay badhasaabka Gobolka Sool iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaarada caafimaadka ayaa ugu horeyn salaam sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada qaranka ee jiidaas fadhiisinkoodu yahay intaas kadibna waxa uu wasiirka kulamo la qaatay Saraakiisha iyo ciidamada qaranka Somaliland.

Wasiir Xasan oo halkaasi warbaahinta dawladda xogwaran ku siiyey ayaa ugu horeyn kahadlay deeqda dawooyinka ah ee ay wasaaradda caafimaadku ku wareejinayso ciidamada naftood hurayaasha ah ee ku sugan jiida bariga degmada Tukaraq oo fadhiisinkoodu yahay “Maanta waxaanu sidnaa taambuug weyn oo ilaa soddon qof qaadaya dhaawacooda, waxa kaleoo aanu sidnaa taandhooyinkii yaryaraa kuwaasina waxa ay noqonayaa kuwo loogutalo galay in ay noqdaana ama laga dhigto Xafiiskii, ama meeshii dawooyinka lagu bixinayay.

Waxanan liiska qalabka caafimaad iyo dawooyinka aanu sidno aanu ku wareejinayaa Generaalka ciidanka, liiskaas oo kakooban labaatan shay oo noocyo kala duwan isugu jira”.

Taliyaha Aaga bari ee ciidamada qaranka JSL Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen ayaa wasiirka ka guddoomay deeqda dawooyinka ah ee ay ciidamada ugu talo galeen isaga ooshacbiga reer Somaliland guud ahaan uga mahad naqay garabka iyo gaashaanka ay milatarigooda la barbar taagan yihiin. Geesta kale wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadku ta’kiidiyey mawqifka uu qaranka Somaliland mar kasta ka taaganyahay sidii uu xuduudihiisa u sugi lahaa isaga oo farriin dhiirigelin iyo amaan isugu jirta halkaasi ciidanka ugu gudbiyey, isaga oo geesta kale dhawaaq caal waa ah ku tilmaamay hadallada kasooyeedhaya dawladda gacan ku rimiska ah ee shisheeyuhu ku ilaaliyo bakaaraha Muqdisho “Dawladda itaalka daran ee Xamar Xasilin kari wayday waxaanu leennahay annaga Ciidankayagu waxaa uu joogaa dhulkiisii, marmarsiyaha maanta kasoo yeedhayana waxaa weeye mid aansuurto galayn.

Ciidamada qaranka Somaliland waa kuwa ay shacbigoodu 27kaas sanno ku seexanayeen, waxaana ay tuutaha u gashan yihiin inay sugaan qarankooda iyo difaaca xuduudahooda”. Sidaas ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf. Waxaana uu intaa ku daray sida ay reer Somaliland mucaarid iyo muxaafidba uga midaysan yihiin qaddiyada qarannimadooda “Runtu waxaa weeye markay noqoto difaaca qarannimada Somaliland Mucaarid iyo muxaafid reer Somaliland waa ay ka midaysan yihiin, waxaanan halkan aad uga soo dhawaynayaa hadallo uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu habeen dhawayd isagoo Sweden Jooga ka jeediyey halkaasi, isaga oo aad uga hadlay arrintaas [qarannimada iyo difaaca xuduudaha Somaliland], waxaanan rajaynayaa in arrintaa uu guddoomiye Cirro ku tiraabay ay gasho dhamaan quluubta reer Somaliland”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews